Madaxwaynaha DDSI oo Saaka Ku Qaabilay Xafiiskiisa Suldaamada iyo Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Laanqeyrta.

Jigjiga(CN) Isniin Feb10,2014. Waxaa uu saaka Meeqaam sare uu ku Qaabilay Madaxwaynaha DDSI Mudane CAbdi Maxamuud Cumar Suldaanada iyo Qurbajoogta ka soo Jeeda Deegaanada Laanqeyrta iyo Degmada xarshin ee ku Dhaqan DDSI halkaasoo ay Arimo badan oo khuseeya Horumarka,Maalgashiga,Amniga iyo Maamulka Suubanba ay kaga wada hadleen iyadoona uu Madaxwaynuhu warbixin ka siiyay Socdaalkiisii iyo waxqabadka siman ee ay Xukuumadiisu dhamaanba si siman uga Taabogalisay Deegaanka kuna amaanay in ay yihiin Kuwo Nabada jecel taageerana la garab taagan dawlada balse loo baahan yahay in la sii xoojiyo si aynan Daldaloolo uga helin kuwa Shaadhka Qabiilkaku gabanaya iyo Argagaxisada sida UBBO iyo Alshabaab.

suldaanada iyo Qurbajoogtan ayaa aad ugaga mahadnaqay waxqabadka Xukuumada maanta ee uu Hogaankeeda hayo Madaxwayne CMC oo markii ugu horaysay cadaalad,sinaan iyo Waxqabad Muuqda ku hanatay Dhamaanba Quluubta iyo Kalsoonida Shacabka Deegaanka gaar ahaana Degmada Xarshin oo aanu ka soo jeedno ayay yidhaahdeen iyagoona halkaa ku Gudoonsiiyay Shahaado Sharaf ka turjumaysay Waxqabadka Cadaaladeed ee Xukuumadiisa iyo Xaqsoorka uu si siman ugu Maamulo Guud ahaan 68da Degmo,4ta maamul magaalo iyo 9ka Gobol oo aanukuxaqiiqsanayno Horumarka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee hafiyay guud ahaan Degmada Xarshin iyo Senterada Hoos yimaada Sida Xarshin,Laanqayrta,Hartasheekh iyo kuwo kale ay yidhaahdeen.

isku soo wada Soohoo Shirkan ayaa saaka ku soo dhamaaday Jawi farxadeed,is afgarad iyo Balanqaadyo labada dhinac ah.