Fari Kama Qodna Qiimayntii oo Gashay Maalintii 2aad iyo warar Dheeraad ah oo Ku soo Dhacaya Ilqoodhka.

Jigjiga(CN) Isniin Feb10,2014.waxaa maalintii 2aad galay Shirkii Qiimaynta Qaabdhismeedya Heerarkooda halkaasoo si Quman la isula Qaadaa dhigayo Natiijada Heerka Waxqabadka iyo sida loo Hirgaliyay Qorshayaashii Horumarineed,N/galyo iyo Maamul Suuban ee yaalay iyadoona ilaa Heer Tuulo waxa laga Qabtay lagu Gorfaynayo.

Waxaa isa soo taraya Xogo dheeraad ah oo ku soo dhacaya Ilqoodhka kuwaasoo sheegaya in Xafiisyada qaar ka mida lagu Dhaliilay Heerka waxqabadkooda aan gaadhsiisnayn heerkii laga rabay ama aan ku jaaan go'nayn Qorshihii yaaalay walow dhanka kalana qaar lagu amaanay Heerka waxqabadkoodaba.

Xogaha oo Dhamaystiran Aynu ka wada Dhur-Sugno wariyaha Ilqoodhka oo isku soo habaynaya natiijada Qiimaynta iyo waxa lagu soo Gabagabeeyo.