Ramadan Kariim 



 

      

Deg-Deg:Gacanyarayaasha UBBO ee Cabsida Ku Jooga Gaalkacyo oo Gaadhi Hub ah Gacanta Liyuu-Police Soo Galiyo iyo

Shilaabo(CN) Talaado Feb-11,2014.Waxaa Hubaala in sanadihii ugu danbeeyay in ay Ciidamada Geesiyiinta Liyuu-Police kuxisaabtamaan Hubka iyo Saanada ay ku Hawlgalaan ka helaan UBBO taasoo ay Eriteriya u soo Mariso UBBO halkaasoo Duuduub ay Ciidanka Liyu-policeku ugala Wareegaan marka ay Xuduuda soo gaadhaanba inta jeer ee Macalinka Damiinka ah Cabsidana ku Jooga Gaalkacyo iyo Dhalinyarda Dhagaha la' ay Dhibyaraan u soo galiyeen Gacanta Ciidanka LP Hub Macagaca UBBO ay Eriteriya ugu soo marisay LP aan la xisaabi karin.

Macalinka Damiinka ah eeUBBO u jooga Gaalkacyo ee Anfariirsan ayaa Noqday Maadh-Sidaha Ciidamada Geesiyiinta Liyuu-Police Gacanta u soo Galiya Hubka iyo Saanadooda iyadoona Maanta Gaadhi ay ka Buuxaan Hub iyo Saanad isugu jirtay Qoryaha Waawayn ee loo yaqaan BKM,Basuuke,AK47 iyo Rasaas aan La Qiyaasi karin oo Dabooli kara 2-Rijmanti Qalabkii Ciidan ee ay u Baahnaayeen ay Ciidanka Gaarka ah ee LP  kula wareegeen inta u dhaxaysa Tuuloyinka garasle iyo tuulo-cawil oo Ka Tirsan Degmada Shilaabo Xuduudna la leh Cabud-waaq oo Soomaaliya ah.

Ha ka Fogaanina Cakaara oo Idiinku maqan warar Dheeri ah.