CIID MUBAARAK



 

      

Ila Qosol: Ninkii Dameerka Iibsaday

Nin ayaa Saylada Dameer ka iibsaday Saylad ka dib ayaa inta uu xadhig Qoorta kaga sii Xidhay Dameerkii la sii Caraabay Mar uu kayn sii dhexmarayay ayaa 2nin oo Tuugo ah kalana soo jaanqaaday Sayladii ay ku heshiiyeen in Midkood Qoorta loo galiyo Xadhiga Qoorta u Sudhan Dameerka ee uu Odaygu sito Midka kalana uu Dameerka sii kaaxeeyo waxa uu Odaygii sii luudo ee uu Gacantiisa Midig marba si adag ugu hubsado in ay si xoogan u hayso Xadhiga Dameerka Qoorta u sudhan waxa uu gaadhay reerkii Aqaladii ugu horaysay markii uu sii agmarayay ayaa ay Afaafka isa soo Tubeen Qaar ka mida Dumarkii iyo Caruurtii ku sugnaa Reerka oo la fajacsan Safarkii Duqa iyo Qofkan Xadhiga Qoorta u sudhan yahay.

Odaygii ayaa fajac iyo Amakaag ilaahay u keenay markii uu Xadhigii dameerka ku xidhay Kurtin u Dhawaa Afaafka Aqalkiisii oo ay Afadiisii Afka haysato bariido anfariirsan k dibna ee Macalin axmed Xageed Ninkan ka eegtay saa Odaygii oo aan weli wax jawaaba afkiisa ka soo bixin ayaa Ninkii hadlay yidhina aniga hoyaday ayaa i habaartoo marna Dameer ayaan noqdaa marna Nin ee maxaa la ii soo iibsaday.

Odaygii oo ka Qanaasay in uu Dib danbe Dameer u iibsado ayaa Maalin maalmaha ka mid ah yimid Sayladii magaalada ee uu ka iibsaday Dameerka saa waxa u arkay dameer saylada Iib u taagan Intuu aflabadii Qaylo ku dhuftay ayuu yidhi Dadoow iska Ilaaliya anaa Hore ugu Dhacmaye