Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Heer-Deegaan oo Seminaar u Furay Shaqaalaha Xisaabaadka iyo Hanti-Dhawrada Ka Hawlgala 5 ka Mida Gobolada.


Jigjiga(CN) Xafiiska Maaliyada Iyo Hormarinta Dhaqaalaha DDSI ayaa Seminaar ugu Qabtay Jigjiga Shaqaalaha Waaxaha Xisaabaadka iyo Hantidhawrka Gudaha ee ka shaqeeyaXafiisyada 5 Gobol oo ka mida 9ka Gobol taasoo lagu barayay nidaamka shaqo iyo xidhiidhka kuwaasoo kala ah Gobolada: FAAFAN,NOGOB,SITI,JARAR & DOOLO Iyadoona Shaqaalha Xisabaadka Iyo Hanti-Dhawrka Degaankuna Ayka Kala Socdeen 33 Degmo.

Dulucda iyo Ujeedada Siminaarkan ayaa ku wajahnaa Sidi Shaqaalaha Xisabaadka Iyo Hanti-Dawrka Degmooyinku Fahanbuuxa Looga Siin Lahaa Nidaamka Arimaha la xidhiidha Qulqulka Miisaaniyada,habka dabagalka Miisaaniyada,Iibka iyo habraacyada Nidaamka Xisaabaha sidoo kalanaHanti-Dhawrka Ku Dhaqanka Nidaamka Maaliyada Loona Dhaqan Gelinlahaa Habka Xakameynta, Dabagalka Iyo Sidii Xidhiidh Wanaagsan Looga Dhex Abuuri Lahaa Shaqaalaha Xisabaadka Iyo Hanti-Dhawrka Ka Hawlgala Degmoyinka Degaanka. Intii Uu Socday Kulankaasi Ay Shaqaaluhu Ku Qaadanayeen Casharo La Xidhiidha Nidaamka Qulqulka Miisaaniyada,Hanti- Dhawrka Iyo Qaabka Loo Maamulo Nidaamka Maaliyada.

Waxaa Gabagabadii Xidhitankii Shirkaasi Ka Hadlay Kusisimaha Gadhwadeenka Geedi Socodka Isticmaalka Misaaniyada, Kormeerka Iyo Qiimeynta Ee Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI Mudane: Maxamed Sharif Cali Isagoo Ku Booriyey Kasoo Qaybgalayaashi Shirkaasi In Waxyaabihii Ay Ka Dhaxleen Seminaarka Looga Bahaanyahay In Si Ficil Ah Ay Ugu Badalaan Siiyaana Shacabka adeeg hufan oo ibitiran kana madaxbanaan musuq iyo eex.