Madaxda Safaarada iyo Qunsuliyada DFI u fadhida Los-angeles oo Kulan lagu Dardargalinayay Biyo-xidheenka Qarniga u Qabtay Heerarka Qurbajoogta 9ka Deegaan.

San-Diego(CN) Gudoomiye ku xigeenka Gudiga abaabulka iyo ka qaybka galka dadwaynaha ee Biyo-xidheenka wayn nee Abay Ato. Zaadhiq Abaraha, Wayzerro Fikirte, Qunsuuliyda ku xigeenka Los angeles Mebret Bayena iyo Qunsul Xabiib Muxumed Yusuf ayaa waxay shirar kala duwan u qabteen Dhamaan Qaybaha bulshada Qurbajoogta(Diaspora) ee ku nool Waqooyiga Ameerica,

Madaxda Safaarada iyo Qunsuliyada ayaa Warbixino ka Turjumayay isbedelada iyo Kobaca Dhaqaale ee Guud ahaan Dalka gaar ahaana Deegaanka Soomaalida ka Taaboglay ka siiyay Muwaadiniinta Ethiopianka ah Iyo qurba-joogta ka soo jeedo Ethiopia, sidoo kalana Xaalada iyo Halka uu Marayo Biyo Xidheenka wayn ee Abay.

Hadaba Jaaliyaad Somalida ee ku nool Magaalooyinka San Diego, Seattle Iyo San Jose ayaa dhamaan Shirarka si muwaadinimo leh uga qayb qaatay, runtiina inta badan shirarka lagu qabanayay hoolaka ay soomalidu iska leeyihiin sida Shirkii ka dhacay Sand Diego, oo ay qabanqaabada iyo Diyaarainta waxii shirkaas ku baxay oo dhan ay Somalida Ethiopia ee ku nool magaalda San-Diego iska la haayeen.

Dhanka kale waxaa ka dhex-muuqatay Somalida Ethiopia ee ku nool Magaalada Seattle kuwaasoo si hagar la’aan ah uga soo qayb galay shirkan Doorkoodana ka qaadanayay Shirkaas oo magaaladooda lagu qabtay, runtiina hada ka hor shirkii Qoomiyada iyo Shuucbta Ethiopia wacdaro halkaas ka muujiyay.

Ugu danbayntii ayaa Ay Diplomaasiyiinta DFI u fadhiya Los-angales uga mahad-celiyeen dhamaan Jaaliyaadka Somalida Ethiopia meel kasta ay ku noolyiihin Daafaha aduunka, dadaalka ay waydaan oo runtii manta Ethiopia u noqdeen tusaale, ha noqoto dhinaca ka qaybqaadahsada Hormarka, Nabadgakyada, Cilmi gudbinta (technology transfer) wax loo yaqaano, maalgashiga iyo sidii ay isbadal nololeed ugu samayn lahaayeen umodooda.