Ila Qosol:- Car Yaa Muslin Ah?


Muuqaalka 1aad:- Nin Seef wayn oo xiiraysa Wata ayaa u yimid Dad meel Fadhiya markaasuu ku yidhi Car yaa Muslin ah? Saa Shibtaa la galay oo wax ka jaawaababa waala waayay Hadana wuu ku celiyay Car Yaa Muslin ah? Mid ka mida dadkii meesha fadhiyay ayaa Yidhi Aniga Markaasuu gacanta Qabsaday yidhina inakeen oo uu Qolqolka kala wareegay Markaasuu ku yidhi Adeer Neefkan ii Gawrac haye ayuu yidhi oo uu Gawrac ugu jiiday Neefkii.

Muuqaalka 2aad:-

Ninkii oo Seeftii oo Dhiigu ka da'ayo wata ayaa Dib ugu soo noqday Dadkii Markaasuu hadana isla su'aashii waydiiyay Car yaa Muslin ah? Yaase u baxaya waa la iswada gaabiyay oo nin sheegta in uu Muslin yahay waa laga waayay Cabaar ka dib ayaa uu Wiil ku jiray Dadka uu Farta ku Fiiqay Iimaamkii Masaajidka oo goobta fadhiyay Yidhina Sheekhaas ayaa Muslin ah Markaasaa Iimaamkii Goorahanba Gabanayay ee Dadka su'aasha la waydiinayay kudhex jiray Yidhina isagoo ka jawaabaya Far-fiiqii Wiilka Ma Salaada aan Idintujinayo Ayaad Mooday In aan Muslin ahay kkkkk.