shir Lagu qiimaynayo waxqabadkii 6dii bilood ee gobolada,degmooyinka iyo 4ta-ismaamul- Magaalo oo Maalmahan Socday oo La Soo Gaba-gabeeyay.

Jigjiga(CN)Shirka qiimaynta waxqabadka 6dii bilood ee sanad miisaaniyeedka 2006TI ee degmooyinka gobobalada iyo 4 ismaamul magaalo ayaa galabka ka furmay hoolka shirarka ee SMCX. Shirkan oo ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyo wasiirka madaxtooyada mudane c/casiis maxamed cabdi ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan hogaaminta degmooyinka, gobolada iyo kuwa ismaamul magaalooyinka.

Shirkan qiimaynta ayaa waxaa si toos ah diirada loogu saarayay qorshayaashii degmooyinka gobolada iyo ismaamul magaalada loogu tala galay sanad miisaaniyeedkan wixii ka qaybsoomay waxaan ka qab soomin iyo sobobta ay u qobsoomiwaayeen sidoo kale waxaa tooshka lagu ifinayay dhinacyada hubinta adeeg bixinta iyo galida shaqada.

Waxaana shirkan ugu horayntii furitaanii iyo Gabgabadiisii oo xalay ahayd uu ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo sheegay in xukuumada deegaanka leedahay qorshayaal horumarineed oo ah kuwa shanta sanad leh ah,sanad leh ah,kuwa 6 bilood ah iyo kuwa 3 bilood ah si loo hubiyo qorshayaasi heerarka ay marayaan ayaa waxaa jirta ayuu yidhi madax waynuhu in markasta oo ay gaadho xiligii qiimaynta si toosha ah diirada loogu saaro heerarka ay marayaan qorshayaashaasi.

Madaxwaynaha ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay in qiimaynta waxqabadka 6da bilood ee SM lagu hubinayay Heerka waxqabadka Horumarineed iyo ka go'naanshaha Adeeg Hufan ee Qaabdhismeedyada qorshayaashii hore loo kala qaatay kuwaasi oo ku qotoma dhinacyada hirgalinta mashaariicaha, adeeg bixinta xafiisyada sida caafimaadka biyaha beeraha iyo waxbarashada. in ay ka soo baxeen khibrado gashi u noqonaya ka midhodhalinta Qorshayaasha Horumarineed iyo Kobac dhaqaale ee uu dalkku hiigsanayoislaxisaabtanka iyo cadcadaantu waa udubdhexaadka Natiijada tubta Mustaqbalka loo socdo kuwa la dalacsiiyay,kuwa sharciga la mariyay iyo kuwa Sixida u baahanba waa Diiwaan-guud oo u Qoran shakhsi kasta oo laga raadraaci doono waxaana uu adaxwaynuhu ka hadlay in Dadka jaadka cunaa ee Qaabdhismeedyada Dawlada ku jira aan laga filayn in ay bixiyaan Adeeg tayaysan ama cadaaladeed garsoore qayilsan Go'aankuu Gaadho lama odhan karo kuli waa cadaalad.

Madaxwaynaha ayaa kula dardaarmay maamulada Gobolada,Degmooyinka,4ta Maamul Magaalo in loo guntado sidii Tuulooyinka Horumarka la gaadhsiiyo lana joogteeyo Nidaamka Gudi ku shaqaynta isagoona si adag qaabdhismeedyada kala dardaarmay in Cadaalad-daro,eex,Musuq Xaabso ah ama Siyaasad aan geedba haysan la yimaadaan Maamuladu islamarkaana ku tilmaamay Qiimayntan in ay ahayd Mid Cadcadaan iyo islaxisaabtan Dhab ah iyo Dabagal Xograsmi ah ka keenay Gobolada iyo Degmooyinka kana soo baxeen Natiijo Yididiilo u leh Dhaqangalinta Jihooyinkii Horumarineed iyo Kobac dhaqaale.

isku soo wadaduuboo Shirkan ayaa ka duwanaa halbeega Qiimayntiisu kuwii ka horeeyay iyadoona Wax kastaa Transparency ahaa oo Warbixinada Maamulada iyo Warbixinta Gudiyada Kormeerka iyo Dabagalku ay Miisaanka Qiimayntan ahaayeen.