Ramadan Kariim 



 

      

XAFIISKA HORUMARINTA KHEYRAADKA BIYAHA DDSI AYAA DAYACTIR DHANKA CEELASHA AH KA FULIYEY DEGMADA WARDHEER EE GOBOLKA DOOLO.

Wardheer(CN) Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha Ee DDSI Oo Ka Duulaya Koru Qaadida Heer-daboolka Biyaha Degaanka Madaama Biyuhu Ay Yihiin Baahida Nolosha Aas Aasiga Ah ee Aadamaha Iyo Duunyadaba Xukuumaduna orshayaasheeda 1aad,2aad iyo 3aadba ay sanadihii ugu danbeeyay ka dhigatay sidii Bulshada looga samatobixin lahaa Biyo la'aanta soo jireenka ahayd una heli lahaayeen Nadiif ah taasoo Natiijo wanaagsan laga gaadhay oo deegaano hore looga isticmaali jirayBaraago ay wakhtixaadirkan ceel-biyood nooca guntadheer ah ka cabaan.

Xafiiska Oo Dadaal Ugu Jira Sidii Uu Bulshada Ku Dhaqan Degaanka Uga Haqabtiri Lahaa Baahida Dhanka Biyaha Iyo Gaadhsiinta Biyo Nadiif Ah Ayuu Xafiisku Ka Fuliyey Dayactir Dhanka Ceelasha Biyaha Ah Degmooyin Iyo Tulooyinka ka mida Gobolka DOOLO Tuulada Cilaanle oo hoostagta Degmada Wardheer kuwaasoo loo dayactiray Bamamkii iyo Pipeskii ku jiray Ceelasha sidoo kalana Goobaha berkadaha leh. Hawlgalkan ayaa ku soo beegmay Xili lagu jiro Jiilaal sii dabayaaqo ah aadna u cakirnayd Xoolaha iyo shacabka ku dhaqan aagaas iyagoona aad u bogaadiyeen waxqabadka xafiiska ka bixiyay jawaabta degdega ah baahidoodii. Dhanka kale Qiimayntii Heer-deegaan ayaa Dhaliilo loo soo jeediyay Qaarka mida shirkadaha ama wakaaladaha ku shuqulka leh Horumarinta Biyaha oo ay liidato Dabagalka iyo naqshadaynta daraasaadka biyaha.

Isku soo wada duuboo Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI ayaad moodaa in uu Talaabo horumarineed dhanka Biyaha ah hore u sii qaadayo.