Ururka Haweenka PERTH oo Shir Qabtay iyo Safiirka DFI u Fadhiya Australia oo Ka Qaybgalay.

PERTH(CN) Arbaco Feb,26,2014. Waxaa maalintii ay taariikhdu ku beegnayd 23/02/2014, laguqabtay gobolka galbeedka Australia ee Perth shir si heer sare ah ay u soo agaasimeen ururka haweenka jaaliyada dowlada deeganka Somalida Ethiopia ee ka dhisan iyagoo la kaashanaya masuuliyiinta jaaliyada ddsi ee galbeedka Australia . Shirkan ayaa ay ka soo qaybgaleen dhamaan qaybaha kala duwan ee jaaliyada DDSI,Qubajoogta Soomaalida ku Dhaqan Galbeedka Australia gaa ahaan Magaalada Perth.

Wariyaha ilqoodhka ee noo jooga Australia ayaa noo sheegay in Kulanwaynahan lagu gorfaynayay Warbixinada Waxqabadka Xukuumada DDSI Dhinacyada Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Maalgashiga sidoo kalana waxqabadka Ururka Haweenka PERTH.

Dhanka kale Waxaa shirkan ka Qaybgalay safiirka DFI u fadhiya wadanka Australia iyo Qaar ka mida Madaxda Safaarada waxaana shirkan tawxiidka Nabadeed iyo Waaqica Dhabta ah loogu qabtay qaar mukhuursanaa mawjadihii beenta 4ta maanlaawe dibadaha la joogaan.

Isku soo wada soohoo wadanka Australia ayaa Daahfur u noqday burburkii naafeeyay UBBO iyadoo ay bilihii ugu danbeeyay ay Shaqsiyaad Muhiim u ahaa UBBO kuna taamaysay ay Midigaysteen Tubta N/galyada iyo Horumarka ka dib markii xididada looga siibay Gudaha Deegaanka.