Madaxwaynaha DDSI oo Horkacaya Madaxwaynaha Puntland iyo Waftigisa oo Booqday Referal Hospitalka,Mngt Institute iyo Kuliyadaha Maantana Qado loogu Sameeyay Faafan.

Jigjiga(CN)Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Golihiisa Capinetka ayaa Saaka shir kula qaatay madaxtooyada Madaxwaynaha Puntland Dr C/weli Gaas iyo Waftigiisa shirkaasoo Sharax laga siinayay waftiga Puntland Qorshyaasha Waxqabadka Xafiisyada iyo Miisaaniyada Deegaanka.

Dhamaan wasaaradaha Deegaanka ayaa shaax ka bixinayay Heerka waxqabadkooda iyo Dejinta Qorshayaasha Sanadka iyadoona Waftiga Puntland Macluumaad iyo Qoraalo hadba kay codsadaanba lagu siinayay Goobta Aqoon Kororsigu ka socday. Xukuumada oo uu Horkacayay Madaxwaynaha DDSi ayaa Booqaho u geeyay Waftiga Meles Referal Hospital,Machadka Maareynta,Kuliyada Caafimaada iyo jaamacada jigjiga halkaasoo ay ardaydii Reer Puntland ee Deeqda waxbarasho la siiyaya ay kula kulmeen.

Dhanka kale Maanta ayaa waftiga qado-sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay loogu Qabtay Warshada Hilibka ee Faafan halkaasoo ay Waftiga,Madaxwaynaha DDSI,Madaxda Xukuumada iyo odoyaasha Dhaqanka ay ku wada Qadeeyeen kadbna Booqasho Dhulbeereedka iyo Mashaariicaha waxsoosaarka ka dib dib loogu soo guryooqday Magaalada Jigjiga Halkaasoo caawana Xaflad aad u balaadhan loogu Qabtay.