CIID MUBAARAK



 

      

Shir lagu Qiimaynayay Dhinaca Waxqabadka xafiisyada Dakhliga Heer Degmo oo ka Socda Xarunta Isboortiga.

Jigjiga(CN) Shirka qiimaynta waxqabadkii 6 bilood ee SM 2006TI oo ay wakaalada dakhligu u qabatay xafiisyada dakhliga ee degmooyinka ayaa ka furmay hoolka shirarka ee havana Iyadoona shirkan lagu lafagurayay qorshayaashii Kobcinta Dakhliga Deegaanka iyo Nidaamka Canshuuraadka ee ay kala qaateen wakaalada dakhliga DDSI iyo xafiisyada dakhliga ee degmooyinka wixii ka hirgalay waxaanka qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen.

Shirkan qiimaynta ayaa waxaa hogaaminayay maareeyaha wakalada dakhliga mudane cumar siyaad iyo labada maareeye ku xigeen ee wakaalada dakhliga mudane yaasiin cumar mahamed iyo c/laahi Garbo.

Shirkan Qiimayntan ayaa ay ka soo qayb galeen dhamaan madax-xafiiseedyada xafiisyada dakhliga ee degmooyinka deegaanka iyo Xisaabiyayaasha Idman na furitaankiisii ka hadlay mareeyaha wakaalada dakhliga mudane cumar siyaad oo sheegay in qiimayntan siwayn loogu gorfayndoono qorshayaashii ay kala qaateen wakaalada dakhliga DDSI iyo kuwa degmooyinka si gaar ahna diirada loogu saaridoona nidaamka dakhli ururinta degmooyinka taasi oo si cad cadaan iyo isla xisaabtan leh looga fadhiyo ayuu yidhi maareeyuhi in ay u soo bandhigaan warbixinta waxqabadka 6 bilood ee SM.

Maareeye ku-xigeenka wakaalada dakhligaa DDSI mudane yaasiin cumar maxamed oo isaguna ka hadlay shirkasi ayaa sheegay in xukuumada deegaanku dadaal dheeriya siisay nidaamka dakhli ururinta deegaanka iyada oo laga duulaya nidaamka iyo sharciyada u yaala deegaanka iyo dalkaba si dhinaca dhaqaalaha deegaanku kor loogu qaado islamarkaana looga kaaftoomo deeqaha ka imanaya ilaha aan deegaanka ahayn si uu deegaanku u gaadho isku filnaansho dhinaca dhaqaalaha ah.

Mudane yaasiin oo hadal kiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in wakaalada Dakhliga deeganku iyada oo ku duulaysa qorshayaasha u yaala ee u qotoma dhinaca kor u qaadida dakhliga deegaanka sanadihii ugu danbeeyay dar darxoogan galisay abuurida illaha dakhliga ilamarkaana ay deegaanka ka hiraliyay goobo badan oo ay illo dakhli oo aad u badani ka soo xiroodaan wuxuna madax xafiiseedyada degmooyinka ku booriyay in ay soo bandhigaan warbixin cad cadaan ku dheehan tahay , si meelaha ay dhaliilo ka jiraan qorshahan dabe loo hirgaliyo.

Sidoo kale Maareeye Kuxigeenka Dakhliga Mudane C/laahi Garbo ayaa Tibaaxay in dakhligu yahay Nidaam xoojinaya kor uqaadida Kobaca Dhaqaale islamarkaana Noocyada Canshuuraadka xil adag la iska saaro iyadoona la sugayo in Nidaamkii sharciga ahaa loo maray oo ah foojarada sharciga ah ee Canshuur ururinta iyo ku xaranta khasnada Dawlada sidoo kalana waxa uu si adag uga hadlay in GoobahaGanacsiga la xoojiyo laguna dabagalo in ay Iibka ka qaadaan Canshuurta VATka.

Qiimayntan oo ahayd mid ay mid I tus oo itaabsiiya ayaa waxa ay dhamaan masuuliyiinta xafiisyada dakhliga degmooyinku soo jeedinayeen warbixinta waxqabadka 6 bilood ee dhinaca dakhli ururinta, nidaamka dakhli ururinta iyo ilaha ay degmadu ka hesho dakhliga qiimaynta oo wali socota ayaa waxa la filayaa marka ay dhamaato in ay ka soo baxdo natiijo wax u ool ahi.