CIID MUBAARAK



 

      

Xaflad-Sharafeed Aan loo Kala Hadhin oo Xalay Loo Qabtay Waftiga Madaxwaynaha Puntland.

Jigjiga(CN) Waxaa xalay ka dhacday hoolka shirarka ee SMCX Munaasabad Huwanayd Maauus-Sharafeed oo si aad u Qurux badan looga sii baaraandegay Agaasimideeda ayaa waxaa loo Qabtay Madaxwaynaha Puntland Dr C/weli Gaas,Wafuuda la socotay iyo Ardayda Deeqda Waxbarasho uu Deegaanku siiyay kuwaasoo wax ku barta Kuliyadaha DDSI iyo Jaamcada Jigjiga.

Xafladdaasi oo lagu maamuusayay laguna soo dhawaynayay wafigii balaadhnaa ee ka yimid maamulka puntland islamarkaana uu hogaaminayay madaxwaynaha puntiland prof, c/wali maxamed gaas oo ay wehelinayeen Qaar ka mida Golihiisa Wasiirada. Munaasabadan Xiisaha badnayd ayaa ay Dhanka Xukuumada DDSI ay ka Qaybgaleen Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,3da Ku-xigeen,Afhayeenka Baarlamanka Mudane Maxamed-Rashiid Isaaq,Golaha-Capinetka,Guurtida-Dhaqanka,Marti-sharaf, Qurbajoogta,Shaqaalaha Xafiisyada Heer Deegaan iyo Kooxaha Fanka iyo Suugaanta Deegaanka.

Furitaankii Munaasabadan ayaa Codbaahiyaha lagu soo Dhaweeyay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaana Muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay Booqashada Madaxwaynaha Puntland iyo Waftigiisa Carabaabayna in uu Xidhiidh Walaalnimo iyo Jinsiyadeed Qoto-dheer uu ka dhaxeeyo labada Dal islamarkaana Salaan Diiran u Diray Dhamaan Shacabweynah Reer Puntland meelkasta oo ay Dunida kaga Nool yihiin.

Madaxwaynaha ayaa si xeel-dheer uga faalooday Sooyaalkii Taariikheed ee soo maray Dalka Itoobiya isagoona isbarbardhig ku sameeyay Itoobiyadii Shalay ee Cadaadiska Ba'an Guud ahaan Qowmiyadaha gaar ahaana Soomaalida itoobiya ku haysay oo Shacabku u dhabar adaygeen Hagardaamooyinkii waxashnimo ee Dhergiga oo u tafaxaytay in ay Bulshada dhalanrogaan iyo Itoobiyada Maanta ee sugtay Dhamaanba Xuquuqihii iyo Jiritaanka Qowmiyada soomaalida sheegayna in Shacabka Deegaanku yihiin kuwo Dulqaad iyo Akaysi leh oo aynan marna ka suulin Dhaqankooda Asaliga ah iyo Diintooda Dhaxalgalka ah ee Jidka eebbe.

Waxaanu madaxwaynuhu waftiga uga waramay in ay itoobiyada cusubi ka soo bilaabantay sanadkii 1983 markii xukunka laga faramaroojiyay dhiigyo cabkii kalidii taliska ahaa ee dhargiga Dhegta ay Dhiiga u dareen Geesiyiinta Urura EPRDF oo ka soo akumay kacdoonadii Shacabka Reer Itoobiya ay kaga soo horjeedeen Taliskii Faashiistiga Shuuciga ahaa ee Mingistu.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa Tibaaxay in Dibudhicii Itoobiyada shalay laga dhaxlay ay saamayn ku yeelatay Deegaanka wixii ka horeeyay Xukuumada maanta ka Talisa Deegaanka kuna Micneeyay DDSI ee Shalay iyo DDSI ee maanta Muuqaalnaka bixiyay Heerkii Deegaanku taagnaa iyo sida aan loogaga faaiidayn Shacabweynaha DDSI fursadihii Dimoqraadiyadeed ee dalka ka curtay tusaalena uga dhigay ” markii ururdadii isbadal doonka ahaa ee uu hormuudka u ahaa ururka TPLF xukunka ka tuureen kalidii taliskii dhargiga waxaa guud ahaanba ka curtay dalka itoobiya horumar cadaalad sinaan iyo dimuqoraadiyad taasi oo ay Xudun adag u ahayd dastuurka qaranka ee ka dhexeeya dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya, waxaase Xuquuqaha Dastuuriga iyo ka faaiidaysiga Fursadaha Dimoqraadiyadeed ee uu xeerinayay Axdi-Qarameedka Dalka la jaanqaadi kari waayay ugana faaiidayn waayay Shacabka Neecawdii Fursadaha Dimoqraadiyadeed ee ka Curtay DFI xukuumadihii Deegaanka soo maray oo Fadhiid ahaa iyo Siyaasiyiin isku sheeg aaminsanaa ama ka dhexguuxaysay Aragtida Soomaali Weyn.

madaxwaynaha ayaa carabka ku dhufday in ay siyaasiyiintaasi ragaadiyay shacabka deegaanka soomalida ay hormuud u ahaayeen xisbigii Leego, kaasi oo u abuuray ayuu yidhi madaxwayuhu in ay samaysmaan xoogag nabadiid kuwaasoo iyaguna si daran u gumaaday shacabka deegaanak soomalida itoobiya taasooy iyana barbar socotay Dibindaabyooyinkii iyo Hagardaamadii UBBO ay dhaxlsiiyay.

Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa waxaa uu ka hadlay xidhiidhka wanaagsan,iskaashiga walalnimo iyo  daris-wanaaga ka dhaxeeya shacabka iyo xukuumadaha DDSI iyo pln wuxuuna ka shanqadhiyay madaxwayne cabdi maxamuud cumar in ay dawlada itoobiya markasta jaceshay  in ay soomaliya siwayn uga hirgasho nabadgalyo buuxa iyo horumar waara.

Mar uu Madaxwaynuhu ka hadlayay Isbedelka iyo Xukuumada Cusub ee Puntland ee uu hogaanka u hayo madaxwayne c/ wali maxamed gaas waxaa looga fadhiyaa Xukuumada Cusub in ay halkii ka sii ambaqaaado sii xoojinta xidhiidhkii wanaagsanaa ee uu seeskiisa dhigay Madaxwaynihii Hore ee Puntland Mudane C/raxmaan Faroole isagoona ugu danbayntii eebbe uga baryay in uu Xilka ku asturo C/weli Gaas waxqabad muuqdana gaadhsiiyo reer Puntland.

Waxaa isaguna dhankiisa ka hadlay madaxwaynaha pln mudane prof gaas isaga  oo ugu horayntii ka hadlay sida quruxda badan ee ay u soo dhaweeyay isaga iyo waftigiisa xukuuamda deegaanka iyo shacbakuba isaga oo sheegay in booqashadiisu tahay tii  ugu horaysay ee uu dalka kaga boxo kuna  yimiday dalkan itoobiya gaar ahan deegaanka soomlida itoobiya taasi oo ujeedada  socdaalku  ku qotontay ayuu yidhi in aan deegaanka u soo doonano aqoon korodhsi maadamo oo uu deegaanku muda yar guduhood ku gaadhay horumar xawliya.

C/weli Gaas ayaa carabka ku dhuftay Booqashooyinkoodii yidhina "Waxaanan booqanay ayuu yidhi maxadwayuhu intii aan joognay xarunta deegaanka ee jijiga meelo badan oo muhiim ah sida kuliyadaha waxbarashada, dhakhtarka wayn ee jigjiga iyo jaamacada jigjiga oo ay ku xereeysan yihiin 17 kul oo arday ayuu yidhi maxwaynuhu.

Waxaan aragnay ayuu yidhi madaxwayne gaas dawlad mudo yar gudahood ku gaadhay  horumar taam ah  taasi oo ay u sabab tahay hogaaminta degaanka oo ay ka go'antahay in ay adeegyada aasaasiga iyo horumarinta-bulshada gaadhsiiyaan Guud ahaan Deegaanka taasoo u Suurtogashay sida Muuqata waana sababta kaliftay in aanu Khibrad u soo Doonano Deegaanka si la mida Sida Deegaanada Itoobiya ay ugu soo Doonanayaan Aqoon Kororsi isagoona Gaas aad uga mahaceliyay soodhawayntii iyo Cududa waxbaratay ee uu Deegaanku soo saaray Ardayda Puntland.

Garaadka Guud ee Beesha Kuumade Garaad Kulmiye Garaad maxamed Garaad Dool oo ka hadlay Xafladan ayaa sheegay Heerka farxadeed ee ay ka Qabaan Booqashada waftiga Puntland ee walaalahood ah islamaraana Tibaaxay in Dhaqan,Jinsiyad,Af,Diin iyo ehelnimo ka dhaxayso Reer Puntland tilmaamayna in la sii xoojiyo Xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya. Waxaa kale oo iyaguna ka hadlay madashaasi odayaasha deegaanka ugaasyada garaadada oo dhamaantood si qoto dheer uga waramay sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinka waftigan balaadhan ee ka socda walaala hooda pln iyaga oo siwayn uga waramay dhamaantood taariikhdii iyo soonyaalki siyaasadeed horumarineed ee soo maray deegaanka iyo hada heerka uu taagan yahay.

Qaarka mid ah ardayda pln ee waxkabarata kuliyadaha deeganka iyo jaacamada jijiga ayaa waxay iyaguna ka warameen sida wallaanimada ah ee ay imaatinkoodoo u soo dhawaysay xukuumada deegaanka iyo shacabka deegaanku waxayna waftigan u sheegeen iyna dareemin mar kaliya in ay wadan kale tageen iyaga oo siwayn ugu mahad naqay xukuuamda deeganka deeqdan waxbarasho ee ay siiyeen.

Waftigan oo muddo 3 maalmood ah joogay xarunta deegaanka ee jijiga ayaa waxay maanta ka anbabexeeb xarunta deegaanka iyaga oo u duulay dhinaca xarunta dalka ee adis adabad waxana siwayn ugu sii sabootiyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal airport masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI md cabd maxamuud cumar, iyo garaadada ugaasyada deegaanka