Kalfadhigii Baarlamaanka DDSI oo Beri Si Rasmi ah Uga Furmi Doona Jigjiga.

Jigjiga(CN)Jimce Feb-28-2014.waxaa maalinta Beri ah oo Sabti ah kuna beegan 29-2-04 ama Yekaatiit 22 2006 si rasmi ah uga furmi doona Magaalada Jigjiga Kalfadhigii Baarlamaanka DDSI sida ay Xafiiska Baarlamaanka DDSI ay shaaciyeen iyagoo ku gudajira Qabanqaabadii iyo Diyaargarawga Shirka.

Kalfadhigan oo ku sargo'an Jadwalkii u yaalay sanadkan Xafiiska Baarlamanka ayaa la filayaa in lagu Dhagaysan doono islamarkaana Qiimayn doono waxqabadka Xukuumada 6dii Bilood ee la soo dhaafay sida aalaabana in Ajandayaal iyo Bayaano ansaxintood ay ku jiraan.