Ramadan Kariim 



 

      

Munaasabadii ugu Waynayd Abid Salaada Ciidul-Fidriga oo Maanta Lagu Tukaday Barxada Wayn ee Ku Dhextaala Madaxtooyada iyo Madaxwaynaha DDSI oo u Idmay Lahaanshaha Dhulka Golaha Arimaha Islaamka DDSI.

Jigjiga(CN) waxaa maalinta Ciidul-Fidriga isugu soo baxay tukashada salaada ciidul-fidriga Dadkii ugu badnaa abid ee ku kulma salaada Ciida magaalada jigjiga kuwaasoo buuxdhaafiyay guud ahaan barxadii hore ee lagu tukan jiray iyo barxada wayn ee afka hore ee dayrka Madaxtooyada ee xuskii hidhar 29 loogu magacdaray Kalli oo ay xukuumadu ku soo bandhigtay Aqab-dhaqameedka deegaanka iyo Quruxda aqal-soomaaliyada ay shacabkeenu caanka ku yihiin taasoo lagu saleeyay technologiyada casriga ah oo lagu dhex isticmaalayay Wireless internet.

Munaasabadan salaada ciida ayaa maanta ka duwanayd kuwii hore uga dhacay magaalada jigjiga marka laga dheehdo Goobta cusub ee maanta lagu tukaday oo ka qaadwaynayd halkii hore loogu tukan jiray,qaybaha shacabka oo gargaar lacageed u fidiyay gabadh yar oo la ildaran caafimaad daro ay ku dhalatay iyadoona aynan gabadhan halkii kaadida inay soo marto loogu talogalay awdnayd.sidoo kale madaxwaynaha ddsi ayaa maanta ku wareejiyay mulkiyada barxada wayn ee maanta lagu tukaday salaada Ciida Golaha arimaha islaamka DDSI si ay joogto abid ugu noqoto Goob ay shacabka magaalada jigjiga ku tukadaan Salaadaha Ciida maadaama aynan suuroobayn magaalada oo fiday awgeed in la helo dhul sidan u balaadhan islamarkaana banaan magaalada gudaheed.

Munaasabadan la isugu soo baxay maanta tukashada salaada ciidul-fidriga ayaa ay ku sugnaayeen Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,Afhayeenka Baarlamaanka mudane Maxamed rashiid Isaaq,ku-xigeenada madaxwaynaha,golaha fulinta,golaha sare ee arimaha islamaanka deegaaanka iyo federalka,Culumaaudiin iyo shacab aan la qiyaasi karin tiradooda oo ka koobnaa qaybaha bulshada.

Sheekh Maxamed Soomaali oo ka mida hogaaminta golaha sare ee Federalka ugu jira Deegaanka ayaa odhaah ku saabsanayd nidaamka ay xujaajta ka tagi doonta DDSI gudashada Xajka ka soo jeediyay.sanadkan in golaha arimaha islaamku u diyaariyay qorshe ka sahlan wadooyinkii ay xujaajtu u mari jireen helida baasaboorka,fiisaha xajka,goobaha la dejiyoxujaajta iyo duulimaadkoodaba islamarkaana Goluhu damaanad qaaday in uu dhabarka u rito sidii uu ugu dhamaystiri lahaa dhamaanba wadooyinkii la mari jiray kaliya xujaajta laga rabo iyagoonan waxba dareemin in ay Gudiga ku wada xidhiidhaan Telefoonka iyo lagaha oo ay ku shubaan Bankiga una soo diraan Slip-Bank loona sii diyaarin doono Hal Duulimaad iyo halgoob oo lawada dejiyo taasoo nidaamka uu deegaanku u maray Gudashada Xajka uu ahaa mid nidaamsan kaalinta 1aadna ka galay xujaajta dalka Itoobiya.

Gudoomiyaha Golha sare ee Arimaha Islaamka DDSI Sheekh C/raxmaan Xasan ayaa ka warbixiyay waxa ay diintu ka qabto sakada,sadaqada,nabadgalyada iyo adeecida hogaanka talada deegaanka haya sidoo kalana aad uga faalooday dhinacyada horumarka baaxada wayn iyo isbedelada ka curtay DDSI intii ay xukuumada maantu jirtay isagoona ugu baaqay in uu alle soo hanuuniyo nabad-diidka in uun ay toobad u laaban tahay kuwa kalana uu alle ka qabto shacabweynaha deegaanka ee sanadahan uun dhadhansaday horumarka,nabadgalyada iyo maamulka suuban hiigsanayana koboc dhaqaale iyo nolol dheelitiran.

Madaxwaynaha DDSI ayaa saaka waji farxadeed oo ay ka buuxdo qadarin shacab iyo talowadaag kaga soo qaybgalay munaasabadii ciida islamarkaana Hambalyo iyo duco ku wajahan farxada iida hawada u mariyay dhamaanba dunida Muslimka iyo shacabka Deegaanka ee ku kala dhaqan dalka iyo dibadaba kuna guubaabiyay in ay dadka wax haystaa gargaaraan walaalahooda aanan waxba haysan siiba kuwa shaadhkoodu cadyahay ee hadana xishood awgii macaluusha kugula agdhimanaya,sadaqada oo la siiyo qofka ay ku haboon tahayna alle inagu siinayo ajar,xasanaad iyo dambi dhaaf sahay inoogu noqda maalinta la is-xisaabinayo ee xaqa iyo baadilka la kala soocayo.sidoo kalana uga duceeyay shacabka sidii uu eebe uga dulqaadi lahaa cadawga Gaajada iyo Saboolnimada oo ah cadawga kaliya ee aynu leenahay iyadoona xukuumadu ay dejisay siiyaalada Qorshayaasha lagaga xoroobi lahaa ayuu yidhi.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in cafis uu fidiyay maxaabiista farxada ciidul-fidriga awgeed balse ka codsaday khalqigii soo gutay waajibaadkii bisha ramadaan ee ku kulmay munaasabada tukashada salaada ciida in ay aamiin u yidhaahdaan sidii horeba looga arkay in maxbuuskii cafiska loo fidiyay ee dib ugu noqda falaadkii iyo nabad-diidkii lagu soo xidhay in uu ilaahay soo qabto Aamiin aamiin Aamiin iyo ilaahay ha soo qabtana ay dhamaanba dadkii halmar ku wada dhawaaqeen.