QOF WALBA U MUUQO ,ANIGASE ISKA KAY QARI

Juxaa ayaa loo doonay gabar ay meel wada daganaayeen si loogu guuriyo , Inkastoo uusan isagu gabadha horay u arag hadana waxaa loo sheegay inay quruxbadan tahay oo ay qancin doonto ayna noqon doonto midii uu muddoba raadinayay.

Habeenkii markii loo soo galbiyay oo loo keenay gurigii ayaa juxa wuxuu arkay in gabadhu ay fool-xumo ku goobatay.

Subaxii markuu waagii baryay ayaa gabadhii waxay juxa ku tiri " juxoow, nimanka qaraabadaada ah ii kala sheeg , kuwa aan iska asturayo iyo kuwa kale" Juxa oo qoslaya ayaa ugu jawaabay " Dadka oo dhan u muuqo , laakin aniga iska kay astur".