CIID MUBAARAK



 

      

Waftigii Balaadhnaa Ee Madaxwaynaha DDSI Iyo Xadhig-Jarkii Ceel-Biyoodka Taariikiga Ah Ee Ay Xukuumada DDSI Ka Hirgalisay Dooxada Wayn Ee Dhiya Oo Katirsan Degmada Yoocaale Ee Gobolka Jarar.

Yoocaale(CN) Arbaco-06-Aug-2014, Sida aad wararkayagii hore kula socoteen wafti balaadhan oo uu horkacayay madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kusugnaa degmada Yoocaale ee gobolka Jarar si ay xadhiga uga jaraan ceel-biyoodka taarikhiga ah ee ay xukuumada DDSI ka hirgalisay deegaanka iyo soo indho-indhaynta xogta dhabta ah ee markasta kajirta nolosha bulshada ee deegaankaasi.

Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayeen Gudoomiyaha Xisbiga ahna Afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq, wasiirada kala duwan iyo qaar kamida Golaha guurtida salaadiinta ayaa si habsami leh ku gaadhay shalay galabnimadii xarunta degmada Yoocaale, iyagoo waftigu ku hakanayay shacabka ku dhaqan tuulooyin badan oo u dhexeeya degmada Ararso iyo degmadaasi Yoocaale oo ay ka mid ahaayeen Waryugle, Raasgeenyo, Masalayowga iyo kuwakale, halkaas oo uu Madaxwaynuhu shacabka kula hadlayay islamarkaana xog iyo macluumaad horumarka taabanaya la isku waydaarsaday.

Waftiga ayaa si toos ah u abaaray dooxada wayn ee Dhiya oo ah goobta laga hirgaliyay ceelkan taarikhiga ah oo aan magaalada waxba ka fogayn. Halkaas oo ay kasoo qaybgaleen shacab waynihii Yoocaale oo aad ugu faraxsanaa guusha lagaadhay islamarkaana si kash iyo laab ah usoo dhaweeyay Madaxwaynaha iyo waftigii balaadnaa. Waxaana si wada jira xadhiga uga jaray Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Gudoomiyaha Xisbiga ahna Afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq.
Madaxwayne Cabdi Maxamuud oo shacabka kula hadlay isla goobtii ceelka laga hirgaliyay ayaa shacabkii halkaas uga waramay xogta ceelka iyo dadaalka ay xukuumadu u gashay isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in uu arko ceelkan oo ay bulshada iyo xooluhuba ka faaidaysanayaan. Hadaladii Madaxwaynaha waxaa ka mid ahaa " Waa Ilaahay mahadii maanta biyo la'aan looga tagi maayo dooxadan wayn ee Dhiya, waxaana aad ugu faraxsanahay in aan arko ceelkan biyaha macaan oo ay shacabku ka cabayaan. Dhibaatooyin badan ayaa qodistii ceelkan ridada dheer loo soo maray waxaana idinka shacabka la idiin kabaahanyahay oo kaliya inaad kaalintiina kasoo baxdaan oo ah inaad ilaashataan. waxaa socda mashaariico kale oo biyo galin ah looguna balaadhin doono magaalada hadii Alle yidhaahdo..."
Dhinaca kale shacabka degmada Yoocaale ayaa mahadcelin balaadhan u jeediyay Madaxwaynaha iyo dhamaan masuuliyiinta xukuumada ee dadaalka ugu jira horumarinta xawliga ah ee dhinaca biyaha iyo guud ahaanba  adeegyada kala duwan. Odoyaasha deegaankaasi Yoocaale ayaa ka waramay biyo la'aantii ay soo mareen iyo sida ay xukuumadan maanta uga haqab-tirtay deegaanka dhamaan baahiyihii daruuriga ahaa, gaar ahaan biyaha oo ah baahida ugu badan ee deegaanka.

Ceel-biyoodkan ridada dheer oo dhan 552 M soona tuuraya ilbidhiqsigiiba 15 litir oo biyo ah ayaa waxaa ku baxday misaaniyad kabadan 6 milyan oo birr waxaana dhistay Wakaalada Dhismaha Hawlaha Biyaha, wuxuuna kamid noqonayaa ceelasha taarikhiga ah ee laga qoday deegaanada ciid iyadoo markii ugu horaysay abid laga qodo ceel-biyood aaga dooxada wayn ee degmada Yoocaale. Biyuhu waa qorshaha ugu wayn ee xukuumada DDSI kadib markii lagu saleeyay baahida deegaanka ugu wayn ama  ugu muhiimada badan in ay tahay biyaha.
Socdaalkani Madaxwaynaha DDSI iyo waftiga balaadhan kuma koobnayn xadhig-jarka iyo soo daraasi-da ceel-biyoodka Yoocaale balse waftigu wuxuu kulamo layeeshay shacab waynaha kala duwan ee kusugan magaalada Yoocaale, tuulooyinka iyo baadiyaha iyadoo uu waftigu ka soo baxay magaalada Yoocaale casar gaaban islamarkaana ku hoyday amin makhribood ah dooxada wayn ee Dhiya halkaas oo ay la cid-galeen reer daganaa halkaasi. Waxaana habeenimadii xalay jiif iyo nololba la isla qaybsaday  reerkaasi miyiga dagan iyadoo uu waftigu gole wayn dab ku shitay islamarkaana lagu cawaysimay su'aalo tartan-dhaqameed ah oo ku saabsanaa dhaqashada xoolaha kuwaas oo u badnaa geela maadaama uu waftigu joogay gole-geel wayn oo olalka geela iyo nirguhu hadheeyay, jabaqduna waxay ahayd mid dabiici iyo asal ah.
Subaxnimadii maanta ayuu waftigu kasoo ambabaxay dhinicii reerkii uu la cid-galay xalay miyiga ee dooxada Dhiya, iyagoo usoo jihaystay dhinaca xarunta DDSI ee Jigjiga islamarkaana si habsami leh kuyimid barqanimadii maanta.

Goor-dhow filo faah faahinta dhinacyadii kale ee socdaalkan oo ay kamid yihiin habeenkaasi taariikhiga ah ee dhaqanka nolosha asalka ah ku salaysan iyo tartankii golaha geela ee kadhahacay xalay dooxada wayn ee Dhiya.