CIID MUBAARAK



 

      

Gudoomiyaha Degmada Hudet Oo Ka Warbixiyay Qorshayaashii Waxqabadkii Sanad Miisaaniyeedka 2006-TI.

Hudet(CN) Khamiis-07-Aug-2014 Xukuumada DDSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay dajisatay qorshayaal horumarineed oo cilmiyaysan kuwaasi oo ah qorshayaasha istaraatajiyadaha fog kuwa dhexe iyo kuwa dhaw, qorshayaashasi ayaa ah, kuwo xiligii loogu tala galay la hirgaliyo.islamarkaana leh islaxisaabtan,Cadcadaan,isdhaliil, Dhaliil, Gudi ku shaqayn iyo halbeegooda oo ah "I Tus oo I Taabsii" taasoo ku riday Qaab-dhismeedyada dawlada Tubta Horumarka, N/galyada iyo Maamulka saxar-tiran. 

Sidaan wada ogsoonahayna waxaa hore loo soo gabagabeeyay qorshayaashii qorshaysnaa sanad miisaaniyeedka 2006TI iyada oo markii la soo gabagabeeyay qorshayaashaasi la guda galay qiimayntii waxqabadka qorshayaasha horumarineed ee xafiisyada heer deegaan gobolada degmooyinka iyo ismaamulada magaalooyinka laguna gorfaynayay sida looga soo dhalalay Taabo-galinta Qorshayaashii waxqabadka horumar, n/galyo iyo maamul suuban ee yaalay sidoo kale mashaariicihii horumarineed ee sanadka 2006 wixii ka qabsoomay waxaan ka qabsoomin iyo macquulnimada sababaha kalifay in ay qabsoomi waayaan waa haday jiraane.

Hadaan dib u jaleecno qiimayntaasi Waxaa lagu abaalmariyay  Gobolada iyo Maamul magaalooyinka degmooyinkii safka hore ka galay hirgalinta qorshayaashii yaalay sanadkii dhamaaday   taas oo ay  Xukuumadu ku dhiirigalinayso maamulada iyo shaqaalaha shaqada iyo adeega ay shacabka u hayaan Gundhiga tibaaxda Qoraalkayagan ayaa ku wajahan Degmada Hudet ee Gobolka Liibaan  oo ka mid ahayd Degmooyinkii uu madaxwaynaha DDSI uu gudoonsiiyay Abaalmarinta waxqabadka ay taabogaliyeen sanadkii 2006  iyadoona ay Degmada Hudet  noqotay degmooyinka ku dayashada mudan degmooyinka deegaanka.

Haddaba gudoomiyada degmada Hudet ee gobolka Liibaan mudane Axmed Ibraahin Xuseen oo xafiiskiisa ugu waramayay wariyaha shabakada wararka ee cakaaraNews ayaa ka warbixiyay nidaamkii ay u hirgaleen qorshayaashaasi.  Wuxuuna wariyuhu  wax ka waydiiyay suaaalo ku saabsan heerka waxqabadka degmada iyo sida ay uga soo dhalaaleen taabogalinta dhamaanba qorshayaashii u yaalay sanad-miisaaniyadeedka 2006.T.I iyo heerka uu taagan yahay ku salaynta waxqabadka baahiyaha aasaasiga ah ee Dhinaca Horumarka Qorshaha sanad-miisaaniyadeedka 2007 ee  hadda bilowga ah.

Wuxuuna ugu horayntii gudoomiyuhu ka warbixiyay qorshayaashii horumarineed ee ay u yaalay degmada isaga oo ku horeeyay dhinaca dib u dajinta maadaamo oo ay degmada Hudet ka mid tahay degmooyinka sida balaadhan uga socdo barnaamijka dib u dajintu wuxuuna sheegay in sanadkan la dajiyay qoysas dhan  1534 qoysaskaasi oo la siiyay loona qaybiyay qalabka wax soo saarka beeraha sida matoorada midhaha abuurka calafka iyo wacyigalin ku aadan wax soo saarka beeraha. Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu sheegay in ay degmada Hudet leedahay 5 goobood oo ah, goobaha dib u tajinta taasi oo ay xukuumadu ka xaqab tirtay qoysaskaasi loo sameeyay dajinta dhamaanba adeegyada aas aasiga ah sida isguulada waxbarashada, rugaha  caafimaadka dadka kuwa caafimaadka xoolaha, ceelasha biyaha  iyo ceelgacmeedyada.

Isaga oo gudoomiyuhu hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu ka waramay in ay dhamaanba degmadu guulo waawayn ka soo hoysay qorshayaashii horumarineed sida waxbarashada caafimaadka biyaha iyo jidadkaba. Dhinaca Waxbarashada ayaa waxa uu sheegay Degmada oo ka duulaysa hirgalinta qorshayasha xukuumada ee ku wajahan la dagaalanka jahliga iyo kor u qaadida tayada waxbarashada Deegaanka si loo gaadhsiiyo nidaamka Baris-barasho dhamaanba shacabka goob kasta oo ay ku noolyihiinba islamarkaana kor loogu qaado tayada waxbarashada ayaa waxaa ay degmadu  hirgalinay in Heerka daboolka waxbarashada yoolkii qorshuhu ahaa sideeda loo dhamays tiray. Dhinaca barnaamijka biyo ururinta ayaa waxa uu sheegay gudoomiyuhu in maadaamo oo ay xukuumadu qorshayaasheeda kuwa ugu horeeya ka dhigatay dhinaca biyaha degmaduna dadaalka ugu badan siiyay sidii ay u hirgali lahaayeen baraagihii qorshaysnaa sanadkan kuwaasi oo sidii loogu talagalay u hirgalay lana qoday 31 barkadood iyo 12 ceel gacmeed.

Dhinaca caafimaadka ayaa waxa uu ka shanqadhiyay gudoomiyuhu in ay degmadu leedahay 2 xarun caafimaada(health center) iyo 17 rugo  caafimaad (health post) kuwaasi oo bixiya adeeg caafimaad oo tayo leh uguna adeega bulshada sidii looga baahnaa.  Waxaa kale oo uu  gudoomiyuhu ka warbixiyay barnaamijyada ay guulaha waawayn ka soo hoysay degdmadu ee ay xukuumadu ku siisay abaalmarinada oo ay ka mid yihiin waxqabadkii qorshayaasha horumarineed ee SM 2006 barnaamijka dib u dajinta oo ay degmadu kaalmaha ugu horeeya kaga jirtay degmooyinka deeganka laguna gudoonsiiyay abaalmarin. Barnaamijka mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah (PCDP) barnaamijka PSNP. sidoo kalena dhinaca xoolaha iyo beerahana qorshayaashoodii ay u hirgaleen sidii loogu talagalay iyada oo xoolo badan la daaweeyay lana talaalay dhinaca abuubulka bulshada iyo ka qaybgalka dadwaynaha laga soo hooyay guulo wax ku ool ah.

Ugu danbayntiina waxa uu ka warbixiyay gudoomiyuhu sida ay ugu diyaar garoobeen hirgalinta qorshaha sanadka 2007-da ee u qoondaysan degmada halkaana ay ka sii wadayaan dadaalkii ay sanadkan hormuudka ku noqdeen.