Madaxwaynaha DDSI Oo Furay Tababar Lasiinayo Ardayda Sanadkan Jaamacadaha Dalka Kasoo Qalinjabisay Kaasoo Uga Socon Doona Kulliyada Maaraynta Ee DDSI.

Jigjiga(CN) Talaado-12-Aug-2014, Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta furay tababar ku saabsan kobcinta garaadka iyo maamulka suuban oo loo bilaabay ardayda sanadkan kasoo qalinjabisay jaamacadaha dalka ugana socon doona Kulliyada Maaraynta ee DDSI.

Waxaana munaasibadan Madaxwaynaha wehelinayay Wasiir Kuxigeenka Madaxtooyada mudane C/kuus Cabdulaahi iyo Maareeyaha Kulliyada Maareynta mudane Mawliid Haayir, wuxuuna kulanku ka dhacay mid kamida hoolasha shirarka Kulliyada Maaraynta ee DDSI.

Ugu horayntii ayuu madaxwayne Cabdi Maxamuud sheegay inuu aad ugu faraxsanayahay ardaydan soo qalinjabisay oo uu sheegay in ay yihiin cudud iyo maskax usoo korodhay deegaanka iyo dalkaba. Madaxwaynaha oo ardayda dhinacyo badan kala hadlay ayaa yidhi  " hada kahor waxaad soo ahaydeen arday waxaadna soo barateen cilmiyo kala duwan, waxaana loo baahan yahay inaad shacabkiina uga faaiidaysaan hagar la'aan. Waxaad ka nasiib badantihiin ardayda ku dhaqan wadamo badan oo caalamka kamida kuwaas oo aan helin fursada aad heshaan oo ah inaad bilaash ku dhigataan dugsiga ilaa jaamacadaha oo ay dawladu qaabisho. Wuxuu tababarkani idinka caawin doonaa inaad fahan buuxa ka heshaan maamulka suuban iyo inaad yeelataan argti-shacab, xisbinimo iyo ruux cadaaladeed..."

Madaxwaynaha oo ardayada dhinacyo badan kala hadlay ayaa sidoo kale ardayda u sheegay in ay diyaar u noqdaan meelkasta oo ay bulashadoodu u baahantahay haday tahay tuulo iyo haday tahay magaalaba. Isagoo madaxwaynuhu sheegay in aysan haboonayn shaqada oo lagu buuxiyo magaalooyinka ama meel jeclaysi balse ay muhiim tahay in shacabkeena oo baadiye u badan loo adeego. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa ardayda uga digay in ay ka fogaadaan balwada islamarkaana u sheegay anshax-wanaagu inuu yahay qodobka ugu muhiimsan ee laqadarinayo. Wuxuuna uga warbixiyay sida ay xukuumadu ula halgantay balwada jaadka gaar ahaan hogaaminta iyo shaqaalaha.

Dhinaca Kale ardaydan oo gaadhaysay ilaa 500 isuguna jiray heerka Degree iyo Masters ayaa aad u soo dhaweeyay tababarkan islamarkaana uga mahadceliyay dawlada iyo horumarka ay kasamaysay dhinacyo badan oo lataaban karo sida nabadgalyada, horumarka, maamulka suuban iyo xidhiidhka dadwaynaha. Ardayda oo fikiro badan ka dhiibtay dareenkooda ayaa sidoo kale balanqaaday inay ka go'antahay u shaqaynta dadkooda meelakasta oo ay joogaan haday tahay baadiye iyo haday tahay caasimad labadaba.

Tababarkan oo mudo usocon doona ardayadan soo qalinjabisay ayaan sidoo kale wax ka waydiinay Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI islamarkaana leh heerka darajada awooda madaxwayne-kuxigeen mudane Cabdicasiis Maxamed oo sheegay inuu tababarkani ahmiyad wayn u leeyahay Deegaanka iyadoo ay qalinjabiyaashani ka faaiidi doonaan dhinacyo badan oo taabanaya garaadkooda ku aadan maamulka suuban iyo macluumaad kale oo farabadan.

Qalinjabiyaashan oo cilmiyo kala duwan soo bartay ayaa lafilayaa inay tababarkan ku qaadan doonaan qaabab kala duwan oo ay ka midyihiin Dood cilmiyeed iyo qodobo taabanaya arimaha horumarka iyo maamulka suuban ama waxa looyaqaano afka qalaad 'Good Governance'