CIID MUBAARAK



 

      

Xarunta Ganacsiga RABAH ee Magaalada Jigjiga(Rabah Bussiness Center) Waa Muunad Horumarineed.

 Jigjiga(CN) Sabti August 16-2014. Shirkada Dhismaha iyo Ceelasha waa shirkad Qayb-libaaxeed ka qaadata Horumarka dalka haday ahaan lahayd Dhinacyada Dhismayaasha mashaariicaha waawayn sida Qodida iyo Dayactirka Ceelasha gunta dheer,Dhismayaasha Buundooyinka,Wadooyinka iyo dhismayaasha kaabayasha dhaqaale Guud ahaan Dalka iyo Deegaankaba. waana shirkad deegaanka laga leeyahay oo leh Hanti iyo Awood qalab casri ah oo ay kaga qaybqaadato Horumarka iyo kor u qaadida Kobaca dhaqan-dhaqaale ee uu Deegaanku hiigsanayo.

Rabah Company ayaa wakhtixaadirkan Doorbiday in ay kaalintooda ka qaataan Dhinaca Maalgashiga iyo kor uqaadida Bilicda iyo Quruxda magaalada Jigjiga islamarkaana ka dhisay(Hirgaliyay) Dhisme G+5 ah oo si casri ah loo dhisay kana kooban Qaybo badan oo loogu kala talo galay in ay bixiyaan ama loo isticmaalo adeegyada Xafiis ,Dukaamo,Bangi,Cafeteria,Restaurant iyo Hool loogu talo galay shirarka iyo munaasabadaha lehna barxad si qurux badan loo dhisay oo loogu talogalay in baabuurta la dhigto(Parking Area) ilaa iyo eega dhismayaasha maalgashiga ah ee laga wado jigjiga kuwa dhamaaday uu yahay dhismaha ugu dheer.

Hadaba mar aanu la xidhiidhnay Mulkiilaha Shirkada Rabah Company PLC Mudane C/laahi Cabdi Qaadir ayanu wax ka waydiinay kutalagalkooda ku aadan Adeegbixinta Xarunta Ganacsiga rabah loogu talogalay iyo dhismaha casriga ah ee baaxada wayn kharash ahaan wixii ku baxay hirgalinteeda.

Mudane C/laahi Cabdi-qaadir ayaa ka xogwaramay sooyaalka Rabah Company PLC oo ka mid ahayd shirkadii ugu horaysay ee ay Soomaalida Itoobiya leedahay lagana abuuro Dalka taasoo Door muhiim ah ka soo qaadatay tabihii iyo isbedeladii Horumarineed ee maanta ka muuqda Deegaanka dhanka Hirgalinta dhismayaasha Horumarineed, Shaqo abuurka muwaadiniinta DDSI, iyo Dhinaca Biyaha oo ay kaalin xoogan ka soo qaateen.

Mar uu ka hadlay Dhinaca maalgashiga ayaa uu sheegay in Shirkada oo waayadii hore Qaybaha Dhismayaasha mashaariicaha waawayn iyo Qodida ceelasha ku hawlanayd ay bilowday in ay kaalin mug leh ka qaadato fursadaha maalgashi ee ka banaan Deegaanka si ay u badhi-gantaasho dadaalka iyo waxqabadka baaxada wayn ee ay xukuumada maantu dhaqangalisay islamarkaana ay bulshada deegaanku u helaan Goobo ganacsi oo casri ah ka dukaamaystaan,ku shaqaystaan,ku nastaan,ku qabsadaan xafladaha kana dhigtaan xafiisyo iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay iyagoona ku helaya cidii rabta in ay wax ka kiraystaan Qolalka Rugta Ganacsiga Rabah(Rabah Businness Center) qiimo aad u jaban isagoona intaa ku sii daray in ay sii balaadhin doonaan ku soo kordhinta Deegaanka dhinaca Maalgashiga.

Dhismahan casriga ah ayaa ay shirkada Rabah Company Plc u hagar baxday sidii u noqon lahaa xarun ganacsi oo la tartanta kuwa caalamka islamarkaana ku bixisay hirgalintiisa aduun lacageed oo kor u dhaafaya 43-Milyan ee ha moogaanina cid kasta oo danaynaysa in ay nasiib u hesho helida Qol ama Qolal ay ku ganacsadaan ama ku fushadaan hawlahooda shaqo iyo xirfadahooda gaarka ah ee ay macaamil ganacsi ahaan isu waydaarsadaan qaybaha Shacabka.

Rugtan Ganacsi ee Casriga ah ayaa inta Badan Qololka ay ka kooban tahay ay kiraysteen Bankiyada,Ganacsatada,Shirkadaha Latalinta iyo Macaamilo kala duduwan oo kale iyadoona ay baaqi ka sii yihiin Tiro aad u yar oo Qolal ah.