Quwada Korontada Itoobiya: Mashruuca Biyo-xidheenka Quwada Korontada Ee Gilgel-Gibe-3 Oo Sanadkan Si toos Ah U Bilaabi Doona Shaqada.

Addis Ababa(CN) Isniin-18-Aug-2014, Xarunta dhexe ee xafiiska shirkada Quwada korontada Itoobiya ayaa sheegay in mashruuca Gilgel-Gibe-3 uu haatan dhamaaday boqolkiiba 86 islamarkaana uu si toos ah u bilaabi doono shaqada sanadkan soo socda.

Mashruucan dhalinta quwada korantada ee biyo-xidheenka Gilgel-Gibe-3 ayay haatan ka shaqeeyaan ku dhawaad 8 kun oo shaqaale ah, kuwaas oo labada shifti isu kala badala 24-ka saacadood. Mashruucan oo soo saaraya awood dhan 1870 megawatt joogiisuna dhanyahay 246 m ayaa noqonaya kii labaad ee soo raaca mashruuca wayn ee Abbay ee loogu magac daray Biyo-xidheenka wayn ee dib-u curashada Itoobiya kaasoo noqon doona biyo xidheenka ugu wayn Afrika.

Waxaana lafilayaa in mashruucani Gilgel-Gibe 3 uu yeelan doono awood koronto oo kabadan inta hataan uu isticmaalayo wadanka Itoobiya. Mashaariicda noocan oo kale ah ayaa kamida kuwa ay wadamada Afrika ku beegsanayaan isbadalka wayn ee horumarineed waxaana balanqaad iyo dhiirin badan kulahaa in ladahamaystiro mashruucan Gilgelgibe-3 hogaamiyihii hore ee dalka Males Zenawi kaasoo dalka iyo qaarada Afrikaba u dhaxlay qorshayaal horumarineed ilaa haatan laga duulo.