CIID MUBAARAK



 

      

Madaxda Urur Goboleedka IGAD Oo Maalinta Barri Ah Shir Dag-Dag Ah Kuyeelan Doona Xarunta Addis Ababa.

Addis Ababa(CN) Axad-24-August-2014, Shirkan dag-daga ah ee madaxda wadamada IGAD oo noqonaya kii 27aad ayaa maalinta barri ah ka dhici doona caasimada Addis Ababa ee xarunta wadamada IGAD ee dalka Itoobiya. Sida uu ugu waramay warbaahinta dalka afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee DFI Ambassador Dina Mufti ayaa sheegay in shirkani uu ku saabsanyahay arimaha wadanka Koonfurta Suudaan.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalaya Gudoomiyaha urur goboleedka IGAD Mudane HaileMariam Desalegn, madaxda wadama urur goboleedka IGAD, Komishinka Midowga Afrika iyo Jimciyada Quruumaha kadhaxaysa. Sidoo kale ayaa waxaa lafilayaa inay kasoo qayb galaan wakaalo kasocda wadanka shiinaha.

Wadahadalkan ayaa lagusoo dhigi doonaa warbixinta gudiga dhexdhexaadinta Sudan, Qoraaga guud ee IGAD iyo wakiilo kale. Shirkan oo socon doona halka maalin ee barito ayaa lafilayaa inay kasoo baxaan go'aano ficil galinaya hawlaha xasiloonida iyo nabadgalyada wadanka koonfurta suudaan.