Ramadan Kariim 



 

      

TABABAR LOO QABTAY ARDAYDA JAAMACADAHA KASOO QELINJABISAY OO USOO DIYAARIYEY X.D.SH.S.I OO SOCDAY MUDO 10 CISHO AYAA LAGU SOO GABOGABEEYAY MACHADKA MAAREYNTA DDSI.

Jigjiga(CN) Axad August 22.2014.Waxaan la iska indho saabi karin in sanadihii ay jirtay xukuumada maanta ay Guntiga u xidhatay sidii ay Shacabweynaha Deegaanka uga samato-bixin lahayd Dibudhicii iyo horumar la'aantii ay badeen xukuumadihii taagta yaraa ee soo maray deegaanka kuwaasoo ku fashilmay in ay ka midho-dhaliyaan hadafkii iyo jihooyinkii Horumar, N/galyo, Dimoqraadiyadeed iyo Maamulka suuban oo udub dhexaad u ah Fursadaha Dimoqraadiyadeed ee dawlad-wadaaga Jamhuuriyada dawlada Federalka Itoobiya taasoo laga dhaxlay halgankii Dhiiga badan ku daatay ee EPRDF ay xukunka kaga tuurtay kaligii taliskii Mingistu.

Xisbiga ayaa halgan dheer u soo galay in ay deegaanka wadar ahaantii la gaadhsiiyo Fursadaha Dimoqraadiyadeed lana sugo Nabadgalyada oo lafdhabar u ah in la gaadhsiiyo jawaabaha waxqabadka baahida shacabka sidoo kalana lagu abuuray Qaabdhismeed maamul suuban oo hanta hirgalinta qorshayaasha Horumarineed ee Guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Deegaanku ka kooban yahay.

Jihooyinka siyaasadeed ee XDSHSI ayaa ay lafdhabar u yihiin kobcinta garaadka aqooneed iyo tayaynta waxbarashada Dhalinyarada deegaanka si ay deegaanka u hantaan mustaqbalka iyo wakhtigan la joogaba kuwaasoo buuxiyay heerarka qaabdhismeedyada dawlada iyadoona uu marwalba xisbigu ku hawlan yahay horumarinta shacabka ayaa waxa uu xisbigu dhawaanahan dambe waday tababaro isdabajoog ah oo loo qabanayo da’yarta ardayda ah ee kasoo qalinjebisay jaamacadaha dalka ee u dhalatay degaanka somalida itoobiya islamarkaana fahanbuuxa laga siiyo Jihooyinka iyo Qorshayaasha iyo Siiyaalada uu xisbigu hiigsanayo taasoo lagu dhisayo awooda kartida iyo sidii ay u noqon lahayeen xubno xisbi oo ka qaybqaata horumarinta bulshadooda.

waxaana ugu horeyntii xidhitankii tababarka ka hadlay mareeyaha machadka maareynta ddsi mudane: mawliid haayir oo soo bandhigay mudadii ay ardaydani tababarka qaadanayeen casharadii ay ku qaateen iswaydaarsashada afkaraha iyo macluumaad la hiigsanayo Jaamiciyiinta markii ugu horaysay u soo kanshaystay adeegsiinta bulshada iyo hirgalinta Qorshayaasha Dawlada iyo xisbiga.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xidhitankii tababarkan wasiirku-xigeenka xafiiska maamulka ddsi mudane: cabdikuus c/laahi isagoo sheegay in ardaydani ay yihiin xubno xisbi islamarkaana loo baahanyahay in marka ay bilabaan shaqada ay noqdaan kuwa uga faiideeya shacabka kartida xirfadooda aqoneed una hagarbaxaan adeeg-hufan siinta bulshada.ardayda tababarka dhameysatay oo dhinacooda ka hadlay ayaa sheegay inay muujinayaan cadcadaan,xilkasnimo,karti iyo adeeg cadaaladeed aan musuq lahayn uguna shaqeynayaan bulshadooda si hufan ugana faideyndonaan khibradooda iyo wixi ay soo barteen.

Isku soo wada duuboo X.D.SH.S.I ayaa ah mid u horseeday bulshada degaanka inay noqdaan kuwa ku talaabsada Nabad-buuxda,Maamul suuban iyo horumar aan kala go’o lahayn siina joogteeya ladagaalanka dulsaarnimada iyo in degaanku noqdo mid ay kajirto nabadgelyo dhameystiran oo laisku haleynkaro taasoo ay kusoo dhiiradaan maalqabeenada degaanka ,dalka iyo daafaha caalamkuba si ay uga sameyaan maalgashi aad u balaadhan iyadoo ayna ahayn markii ugu horeysay ee xisbigu uu qabto tababaro noocan oo kale ah ardayda degaanka u dhalatay ee kasoo qalinjabiyey jaamacadaha dalka.