Ramadan Kariim 



 

      

Xaflad Qalinjabin ah oo Lagu Saootinayay Ardaydii Ka Qalin Jabisay Sanadkan Kuliyada Caafimaadka ee Jigjiga oo Ka dhacday Hoolka kuliyada.

Jigjiga(CN) Axad August24.2014.Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada caafimaadka jijiga xaflada si qurux badan loo soo agaasimay oo ay kuliyadu ku sagootinaysay ardaydii sanadkan ka qalin jabisay kuliyada caafimaadka ee jijiga gaar ahaan ardaydii iyagu ku guulaystay imtixaankii xaqiijinta tayada aqoonta ardayga COC. Waxaana ka soo qaybgalay xafladan maareeyaha kuliyada caafimaadka ee jijiga mudane Deeq C/laahi Buraale, wasiir ku xigeenka caafimaadka DDSI mudane C/fataax siciid macalimiintii kuliyada ardayda la sogootinayo iyo marti sharaf kale.

Xafladan sagootinta ah ayaa ugu horayntii uu ka hadlay maareeyaha kuliyada caafimaadka ee jijiga mudane deeq c/laahi buraale wuxuuna ugu horayntii ugu hambalyeeyay ardayda mudadii 3 sanadood ee ay wax kabaranayeen kuliyada dadaalka iyo akhlaaqad wanaaga ay muujiyeen kana soo dhalaaleen hamigii waalidkooda iyo Mustaqbalkooda ku aadan Xili dad waxbartay ay ku loolamayaan wuxuuna sheegay maareeyuhu in guud ahaanba ardaydii sanadku ay si buuxda ugu guulaysteen imtixaankii xaqiijinta tayada waxbarasho ee ardayga (COC) isagoona tilmaamay in ay yihiin cudud xirfadlayaal caafimaad oo ku soo biirtay deegaanka wuxuuna si wayn ugu booriyay maareeyuhu in ay si mug leh uga soo baxaan(dhaalaalaan) xilka iyo waajibaadka ka saaran kor u qaadida tayada adeegbixinta caafimaadka deegaanka meelkasta oo lagu qorana ay ka soo gutaan waajidaadkooda shaqo.

Waxaa kale oo ka hadlay xafladaasi wasiir ku xigeenka caafimaadka DDSI mudane c/fataax siciid oo ugu horayntii ugu hanbalyeeyay ardaydan dadaalkii ay ku soo gaadheen xafladan maanta ee lagu sagootinayo ama ay ku qalinjabiyeen wuxuuna wasiir ku xigeenku si qoto dheer uga waramay jahooyinka horumarineed Dhinaca xidhmooyinka ee ku wajahan Qorshayaasha ay Xukuumadu kor ugu qaadayso Caafimaadka iyo tayada adeegbixinta, Xirfadlayaasha caafimaad iyo Takhasuska dhakhaatiirta ay xukuumadu ugu baahan tahay cudud xirfadlayaal caafimaad wuxuuna wasiirku ardaydan si adag oo ku duxaysa dareenka shakhsiga ugula dardaarmay kuna dhiirigaliyay in ay aqoonta caafimaad ee ay barteen sidii loogu tala-galay ugaga shaqeeyaan deegaanka kana qayb qaataan adeegyada caafimaad iyo bad baadinta hooyada uurka leh.

Dhankooda qaarka mid ah ardaydii lagu sagootinayay xafladan ayaa siwayn ugu mahad celiyay guud ahaanba xukuumada DDSI gaar ahaana hormuudka kuliyada sida hagar la aaneed ee ay uga xaqabtireen waxbarashada iyaga oo balan qaadan in ay meelkasta lagu meeleeyo ay ka soo qaban doonaan aqoontii caafimaad ee la baray.

Ugu danbayntii waxaa xafladaasi ayaa ardaydu uu ku gudoonsiiyay abaalmarin wasiir Kuxigeenka Caafimaadka Mudane C/fataax Siciid iyo Hormuudka Kuliyada Mudane Deeq oo ay ardaydu ku abaalmarinayso sidii wanaagsanayd ee ay hormuudka kuliyada iyo macalimiintu uga xaqabtireen waxbarashadooda