CIID MUBAARAK



 

      

Dufcadii 8aad ee Ciidamada Gaarka Ah ee Liyuupolice oo Ka Qalinjabiyay Kuliyada tababarada Ciidanka Shaalaqe Mahad Soofe.

Jigjiga(CN) Waxaa lagu Qabtay Kuliyada tababarada ciidamada shaalaqe Mahad Soofe munaasabad si aad u qurux badan loo soo agaasimay taasoo ay ku qalinjabinayeen Dufcadii 8aad ee Ciidamada Geesiyiinta Liyuupolice kuwaasoo tababar ciidanimo ku qaatay Kuliyada.munaasabadan ayaa ay ka qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa Xukuumada DDSI hormuudna u ahaayeen madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,Afhayeenka Baarlamaanka DDSI Mudane Maxamed Rashiid Isaaq,3da Ku-xigeenada madaxwaynaha,Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada,Golaha Capinetka,Madaxda iyo Saraakiisha Ciidanka,Odoyaasha Dhaqanka,Culumaaudiinka iyo Qaybaha Bulshada.

xaflada Qalinjabinta Ciidanka Liyuupolice ayaa ku bilaabmatay jawi aad u Qurux badan Madadaalo Kooxaha fanka iyo halkudhegyo ay ka soo jeediyeen qaar ka mida Ciidanka qalinjabinayay oo ay kaga hadlayeen nidaamka ay u gudan doonaan waajibaadkooda ciidameed islamarkaana shacabka deegaanka ugu noqon lahaayeen kabahooda gargaar,taageero iyo taakulayna ugu gaysan lahaayeen. Madaxwaynaha DDSI,Taliyaha Ciidanka Gaarka ah,Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada DDSI iyo Komishineerka Guud ee Booliska DDSI ayaa Salaan sharaf ka qaatay Ciidanka Geesiyiinta ah ee Liyuupolice ka dib ayaa la guda galay Furitaanka xaflada oo lagu furay aayado quraan ah.

Hogaanka nabadgalyada iyo cadaalada mudane Shukri Bedel ayaa ugu hambalyeeyay Dufcada 8aad ee qalinjabinaysay kuna tilmaamay in ay yihiin ciidan aad loo tababaray dhamaanba tabaha iyo xeeladaha ciidanimo kuwa ugu casrisan sidoo kalana ka sakow culuunta ciidan la siiyay casharo ku saabsan ilaalinta xuquuqda shakhsiga iyo saraynta sharciga.

Madaxwaynaha ayaa ka soo jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay taasoo uu kaga warbixiyay nidaamkii lagu aasaasay ciidanka liyuupolice islamarkaana ay kaga jawaabeen baahidii shacabku u qabeen nabadgalyo iyo Nolol horumarineed iyadoona ay dhiigooda u hureen kuna nafwaayeen dhalinyaradii qalabka u qaadatay sugida amniga iyo xasiloonida deegaanka waana dhaxal aynaan marna iloobayn geesiyadii liyuupolice ayuu yidhi .Ciidanka geesiyada ah ee liyuupolice markii ay tirtireen UBBO waxa ay xuduuda iyo gudaha soomaaliya cashar lama ilaawaan ah ugu dhigeen Al-qushaash.

Madaxwaynaha ayaa tibaaxay doorka ay ciidamada gaarka ah ee liyuupolice markay nabadii sugeen ay ka qaateen Horumarka iyo gargaarka shacabkooda kuwaasoo dhakhaatiirta liyuupolice ay xoolaha deegaanka meel kasta ku soo daweeyaan kana caawiyaan shacabka samaynta wadooyinka iyo adeegyada horumarineed.

Mar uu la dardaarmayay ayaa uu madaxwaynuhu kula dardaarmay ciidankan in ay xaqdhawraan xuquuqda shakhsiga islamarkaana ay u noqdaan shacabka kabihii ay ku socon lahaayeen