CIID MUBAARAK



 

      

Shirkii Qiimaynta Barnaamijka Cad-cadaanta Iyo Islaxisaabtanka Ee Xafiisyada Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Ee Deegaanada Dalka Oo ka Dhacay Magaalada Naziret.

Naziret(CN) Talaado-26-August-2014, Waxaa ka furmay magaalada Naziret ee caasimada u ah deegaanka oromiya, shirkii qiimaynta barnaamijka cad cadaanta iyo isla xisaabtanka ee xafiisyada maaliyadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee dhamaan deegaanada dalka iyo ismaamul-magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba.

Shirkan qiimaynta oo diirada lagu saarayo laguna qornayo barnaamijka cad cadaanta iyo isla xisaabtanka miisaaniyadeed(Financial Transparency & Accountability (FTA)) ee dalka  oo ka mid ah tiirasha ugu muhiimsan dhaqangalinta maamulka suuban  oo sanadkiiba halmar lagu qabto deegaan ka mid ah deeegaanada ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee JDFI, masuuliyiin ka socday ha’yadaha deeq bixiyayaasha iyo masuuliyiin ka socday xafiisyada maaliyadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee deegaanada dalka.

Haddaba shirkan qiimaynta ayaa waxaa deegaanka Somaalida Itoobiya uga qayb qalay isku duwaha barnaamijka cad-cadaanta iyo isla xisaabtanka ee xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Nuur Cawil Muxumed wuxuuna shirkaasi qiimaynta ah ka soo jeediyay warbixinta waxqabadkii barnaamijkan cad cadaanta iyo isla xisaabtanka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ee sanadkii 2006 warbixintan oo si  qoto dheer ugu qotontay sida muga leh ee uu deegaanka uga hirgalay barnaamijka cad cadaanta iyo isla xisaabtanka (Financial Transparency & Accountability).

Markii la dhagaystay warbixintan deegaankeena ayaa waxa madashii ka hadlay iskudubaridka barnaamijyada dib-u-habeynta maamulka kharashbixinta & dabagalka ee wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JDFI Mudane Muse Maxamed oo sheegay in deegaanka soomalida itoobiya ka  mid yahay deegaanada ku dayashada mudan ee soo bandhigay warbixin u tus oo itaabsiiya. Waxaa kale oo uu masuulku arabka ku dhufday in deegaanka soomalida itoobiya si wayn ugu guulaystay hirgalinta barnaamijkani mudadii  4tii sano ee uu soo socday qorshaheena horumarinta shanta sano (SPM).

Wuxuuna ugu danbayntii masuulku hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in  si loo dardar galiyo hawlaha qorshaysan ay lagama maarmaan tahay  in la adkeeyo isla xisaabtanka dhamaan heerarka kala duwan ee muwaaqirka dawlada.