Ramadan Kariim 



 

      

Maareeyaha Kulliyada Farsamada Xirfadaha Iyo Tababarada Ee Qabridahar Oo Kawarbixiyay Waxqabadka Iyo Fursadaha Waxbarsho Ee Ay Kuliyadu Fidiso.

Qabrihadar(CN) Jimce-28-August-2014,  Kulliyada farsamada xirfadaha iyo tababarada ee qabridahar oo ah killiyad dhawaan ku soo biirtay kuliyadihii hore uga jirayay deegaanka kuna timiday istaraatijiyadihii iyo qorshayaashii horumarineed ee ay xukuumadu dajisatay ee ku qotomay ladagaalanka iyo dabar gaynta jahliya ayaa si balaadhan u wada hirgalinta ujeedooyinkii loo aas aasay.

Haddaba maareeyaha kuliyada farsamada xirfadaha iyo tababarada ee Qabridahar mudane C/xamiid Sheikh Yuusuf  ayaa warbixn naga siiyay shaqooyinka ay qabatay kuliyada iyo qorshayaasha u yaal. Wuxuuna ka warbixiyay maareeyuhu  ahmiyada iyo ujeedooyinka kuliyada taasi oo uu sheegay in ay tahay sidii kor loogu qaadilahaa cududa xirfadlayaasha oo ka qayb qaada hawlaha horumarineed ee deegaanka loogana faa-iideeyo ardayda aan iyaga helin fursado waxbarasho sare, kuna filaada maaraynta noloshooda iyo tan guud ee deegaanka si xididada loogu siibo faqriga loona hormariyo wadanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay maareeyuhu in ay dufcadii ugu horaysay ee kuliyada hadda ay qalin jabintoodkii ka dhiman tahay muddo ka yar 2 billood, kuwaasi oo bartay ayuu yidhi xirfadaha ay ka midka yihiin Information Communication Technology(ICT), Wadida baabuurta(Auto driving}, Samaynta biraha iyo alxankooda(General Metal Fabrication Assembly), Laydhka iyo xidhiidhintiisa(Building Electrical Installation), Dhisaha(Masonry & Concrete) iyo samaynta alwaaxda iyo faaradaha(Furniture making) waxaa kale oo uu maareeyuhu ka warbixiyay qorshayaasha horumarineed uu yaala kuliyada oo ay ka mid yihiin kor u qaadida tirada iyo tayada xirfadlayaasha.

Isku soo wada duub oo xukuumada deegaanka haatan ka arimisa ayaa si mug leh uga midho dhalisay hemilooyinkii iyo rajooyinkii ay shacabka deegaanku mudooyin badan u oomanaayeen in ay helaan farsamooyin iyo xirfado ay ku shaqaystaan taasoo shaqo abuurka door laxaad leh ka qaadanaysa.