Ramadan Kariim 



 

      

Qaar Ka Mida Dhakhaatiirta Aduunka Ayaa Dawo Cusub ku Tijaabiyay Daanyeero Qabay Cudurka Ebola.

(CN) Sabti August 30,2014.Sida la sheegay Dawo cusub oo lagula tacaali doono cudurka Ebola ayaa ay soo saareen Xeeldheerayaasha arimaha sayniska ee Aduunka iyadoona dawadan cusub lagu tijaabiyey illaa 18 daanyeero, kuwaasoo qabay cudurka Ebola, waxaana la sheegey in ay dhamaantood ku bogsadeen.

Arintan ayaa farxad galisay wadamada uu cudurkani asiibay,halka ay Culumada sayniskuna ay rajo ka qabaan in dawadan Cusub ay 100% lagu dawayn karo dadka qaba Cudurka EBOLA kaasoo Dunida mashaqeeyay. Xeel-dheerayaasha dhinaca sayniska ayaa waxa ay sheegeen in dawadani oo magaceedu yahay "Zmapp" in ay tahay mid boqolkiiba boqol hubaaal ka dhigaysa in ay cudurkan dawo u tahay ama lagu dabiibi karo.

Sida Qaalibka ah marka ay culumadu ku guulaystaan soo saarista dawo cusub ayaa badanaa lagu tijaabiyaa xayawaanka siiba kuwa binuaadamka ay iska shabahaan xaga Heerkulka Jidhka,Wareega Dhiiga iyo Qaabdhismeedka uur ku jirta ka dib marka lagu tijaabiyo ayaa lagu daweeyaa dadka dawada cusub.