KULAN LAGU DARDARGELINAYO ISKAASHIGA U DHEXEEYA XAFIISYADA IYO HAY’ADA AAN DAWLIGA AHAYN AYAA LAGU QABTAY MAGAALADA JIGJIGA.

Jigjiga(CN) isniin 01,Sept,2014. kulan balaadhan oo uu soo diyaariyay isku-duwaha(agaasin idman) ee xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI u qaabilsan xidhiidhka wadashaqayneed ee hay'adaha aan Dawliga ahayn Mudane C/laahi Weyrax Kaariye ayaa ay ka soo qaybgaleen xafiisyada bahwadaagta ay ka midka yihiin xafiisyada waxbarashada,iskaashatooyinka iyo hay'adaha aan dawliga ahayn ee ka hawlgala deegaanka.

kulankan ayaa sida uu masuulka maaliyadu sheegay ku wajahnaa sii dardargalinta iskuxidhka xafiisyada dawlada iyo hay'adaha aan dawliga ahayn sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arimaha wadashaqaynta,Qorshayaasha iyo xidhiidhka kala warqaadashada.

Mudane Weyrax ayaa mar uu ka hadlayay xafladii xidhitaanka sharax ka bixiyay Qorshayaasha iyo waxqabadka dhanka wadashaqaynta iyo iskuxidhka laamaha dawlada iyo deeqbixiyayaasha ee uu xambaarsan yahay barnaamijkani taasoo ay xukuumadu ugu talogashay sidii bulshada loogaga faaiidayn lahaa ayuu yidhi.

Qaar ka mida masuuliyiinta hay'adaha aan dawliga ahayn ee kulankan ka soo qaybgalay ayaa warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo nidaamka wadashaqayneed ee laamaha xafiisyada dawlada ay la leeyihiin,iyagoona Masuulka xafiiska maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ku wareejiyay warbixintii waxqabadkooda iyo Daraasaadyo ay ka sameeyeen Deegaanka.