Ramadan Kariim 



 

      

Madaxwaynaha DDSI Iyo Gudoomiyaha Xisbiga DDSI Oo Ka Qayb galaya Shirka Dhawaan Laqaban Doona Ee Golaha Dhexe Ee EPRDF.

Addis Ababa(CN) Khamiis-04-Sep-2014,  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Gudoomiyaha Xisbiga ahna Afhayeenka Baarlamanka DDSI Mudane Maxamed Rashiid Isaaq ayaa Ka qaybgalaya Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Dhexe Ee EPRDF iyo shirkii Boordhiga Taakulaynta Horumarka. Shirkan ayaa ka dhici doona magaalada Addis Ababa kaasoo bilaabmaya maalinta fooda inagu soo haysa ee isniinta oo ku aadan 8 bisha September.

Shirkan Golaha Dhexe ee EPRDF oo 6-dii biiloodba hal mar laqabto ayaa diirada saara waxqabadka horumarka dhamaan Itoobiya, waxayna masuuliyiinta XDSHSI ka helaan bahwadaagta EPRDF khibrad-wadaag dhinaca garaadka siyaasadeed, awooda fulineed iyo dhinacyo kale oo badan.

Sidoo kale Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Gudoomiyaha Mudane Maxamed Rashiid ayaa ka qayb galaya Shirkii boordhiga taakulayta horumarka, kaasoo isna kadhici doona magaaladan Addis Ababa.

Shirkan boordhiga taakulayta horumarka ayaa sidoo kale lagu gorfayn doonaa jihooyinka horumarineed ee qorshaha 2007-da T.I. kaasoo dhinacyo badan taaban doona islamarkaana ay kasoo baxi doonaan talooyin iyo khibrado kaalin ka qaata guud ahaanba horumarka Itoobiya.

Faahfaahinta shirarkan dib kala soco wararka CakaaraNews.