CIID MUBAARAK



 

      

Xaaladda Ukraine oo laga wadahadlayo

Wales(CN) Jimce Sept,05,2014. Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in la gaaro heshiis hordhac u noqon kara xabbad joojin laga aslaaxiyo bariga Ukraine galinka hore ee maanta oo Jimce ah.

Mar uu ka hadlayay shir ay NATO ku leedahay gobolka Wales ee UK, ayaa waxaa uu si taxadar ah rajo uga muujiyay in dalkiisa ay macquul tahay inuu heshiis la gaaro fallaagada gacan saarka la leh Ruushka.

Wararka kale ee la xidhiidha Wadammada Reer Galbeedku waxa ay sheegeen in ay isla meel dhigayaan cunaqaabateeno cusub oo lagu soo rogayo Ruushka.

Sikastaba, Xoghayaha Guud ee NATO, Andres Fogh Rasmussen, ayaa ka digay in wadahadaladii hore ee uu soo bandhigay madaxweyne Putin ay caad saarayeen xasiloonidarrida uu Ruushka ka wado Ukraine.

Hogaamiyayaasha gaashaanbuurta NATO ayaa sidoo kale waxa ay ka wadahadlayeen sida ay  uga hortagi lahaayeen halista kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Ilaa iyo haatan, ma uu jiro dal ka tirsan wadammada xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO oo ku biiray duqeymaha cirka ah ee uu Mareykanku ku qaaday kooxdaas.