CIID MUBAARAK



 

      

Gudoomiyaha Xisbiga Iyo Madaxwaynaha DDSI Oo Barito U Ambabaxaya Addis Ababa Kana Qayb galaya Shirka Golaha Dhexe Ee EPRDF.

Jigjiga(CN) Axad-07-Sep-2014, Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Maxamed Rashiid Isaaq iyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka qaybgalaya Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee EPRDF. Shirkan ayaa ka dhici doona magaalada Addis Ababa kaasoo bilaabanaya maalinta barri ah ee Isniinta oo ku aadan 2 bisha Bagume.

Shirkan Golaha Dhexe ee EPRDF oo 6 biloodba hal mar laqabto ayaa diirada saara waxqabadka horumarka dhamaan Itoobiya, waxayna masuuliyiinta XDSHSI ka helaan bahwadaagta EPRDF khibrad-wadaag dhinaca garaadka siyaasadeed, awooda fulineed iyo dhinacyo kale oo badan.


Hadaba Shirka golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee EPRDF oo guud ahaan lagaga hadli doono arimo badan oo taabanaya horumarka Itoobiya ayay masuuliyiinta XDSHSI lawadaagaan bah-wadaagtooda EPRDF khibrado badan oo faa'iidooyin u leh awooda iyo istaraatiijiyada siyaasadeed. natiijooyinka shirkan caadiga ah ee Golaha dhexe ee EPRDF ayaa sidoo kale kaalin muhiima ka qaata dadaalka horumarineed ee mustaqbalka dalka.

faahfaahinta shirkan dib kala soco wararka CakaaraNews.