CIID MUBAARAK



 

      

Deg Deg:- Mudane C/laahi Yuusuf Weerar Oo Loo Magacaabay Madaxa Xafiiska Kahortaga Iyo U Diyaar Garowga Masiibooyinka ee DDSI.

Jigjiga(CN) Isniin-08-Sep-2014, War hada naga soo gaadhay xarunta madaxtooyada DDSI ayaa sheegaya in Kuxigeenkii Madaxwaynaha Mudane C/laahi Yuusuf Weerar loo magacaabay madaxa xafiiska kahortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka ee DDSI.

Kuxigeenka Madaxwanaha mudane C/laahi Yuusuf oo aan haynin jeerahan xil u gaar ah horayna looga qaaday xilkii hogaankaa nabadgalayada DDSI ayaa haatan loo magacaabay xafiiska kahortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI.

Xafiiskan oo ay shaqadiisu u badantahay caawinta dadka tabaalaysan ayaa wakhti xaadirkan lajoogaa xili lasugayo in loo qaybiyo dadka tabaalaysan raashimo badan oo ay kamid yihiin saliida iyo qamadiga.

Dhanka kale madaxii xafiiska kahortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane  Maxamed Faatax Maxamed ayaa isna loo magacaabay madaxafiiseed degmada Birqod ee gobolka Jarar ah.