Wasaarada Caafimaadka oo Tababar Kor loogu Qaadayay Tayada Xog Aruurinta Adeegyada Caafimaadka Loogu Bedelayo Nidamka Kaydinta Casriga ah(Computer Based DataBase) oo u Soo Gabagabaysay 34 Ka Mida Shaqaalaha Ka Hawl-gala Xarumaha Caafimaadka.

Jigjiga(CN) Arbaco Sept 10th,2014.Waxaa maanta uu u soo gabagabeeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka DDSI mudane C/fataax Siciid Tababar ku saabsanaa nidaamka kor uqaadida tayada Xog-aruurinta adeegyada Caafimaadka deegaanka 34 ka mida shaqaalaha Xarumaha caafimaadka ka jira Qaar ka mida Degmooyinka si loo sugo Diiwaanada casriga ah ee lagu kaydiyo Xogaha kala duduwan ee Bulshada la siiyo adeegyada kala duduwan ee la xidhiidha caafimaadka sida Hooyada,Caruurta,Bukaan-jiifka,Bukaan Socodka iyo Cudur-dilaacyada.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Siciid ayaa bilihii u danbeeyay dardar xoogan galiyay sidii uu xafiisku uga midhodhalin lahaa hirgalinta Qorshayaasha waxqabad ee sanadka u yaala iyo jihooyinka guud ee ay xukuumada DDSI ugu talogashay kor uqaadida tayada iyo adeegbixinta Caafimaadka Deegaanka.

Wasiir ku-xigeenka ayaa mar uu maanta la hadlayay ardayda Qalinjabinaysa ayaa sheegay in Xafiiska caafimaadka Deegaanka Deegaanku uu ku hawlan yahay sidii uu wakhtigii loogu talogalay hirgalinta Adeegyada iyo barnaamijyada Caafimaad ee ku xusan Qorshaha Sanadkan 2007.T.I looga hirgalin lahaa Guud ahaan Deegaanka gaar ahaana Qorshe kasta meesha laga fulinayo.

Mudane C/fataax Siciid ayaa sheegay in tababarka maanta loo soo xidhay 34ta xubnood ee ka mida shaqaalaha xarumaha Deegaanka loo tababaray mudadii ay tababarkan ku qaadanayeen Kuliyada caafimaadka Magaalada Jigjiga sidii ay ugu shaqayn lahaayeen Technologiyada Casriga ah ee Electrociga ama afka qalaad lagu yidhaahdo Computer Based Database si ay dhamaanba Macluumaadka iyo Xogaha Adeegyada kala duduwan ee caafimaadka ugu kaydiyaan isagoona intaa ku daray in barnaamijka Xog arurinta ee ka jiray Deegaanka uu ahaa nidaamyadii hore ee Card-ga,faylka iyo diiwaanka Balse sanadkan la qorsheeyay in lagu Bedelo nidaam ka tayo fiican dhinaca damaanada kaydinta oo ah nidaamkan Electroniga ama Computerada lagu kaydinayo oo ka mid ah Qodobada ugu waawayn dhinacyada kaydinta xogaha ee Sanadkan 2007.T.I qorshaha noogu jira ayuu yidhi. Wasiirka ayaa ku booriya shaqaalahan loo carbiyay nidaamka casriga Xog aruurinta iyo kaydinta Xogaha in ay shacabka ugu adeegaan islamarkaana u hagar baxaan hirgalinta nidaamkan oo aayo dhaxalgal ah u noqon doona sidii bulshada loola socon lahaa xogahaooda caafimaad iyo adeegyada kale ee laga siiyo xarumaha caafimaadka deegaanka.