Xaflad Lagu Wareejinayo Saddexdii Tuulo Ee Canfarta Oo Lagu Qabanayo Magaalada Awaash.

Jigjiga(CN) Talaado-Sep-16-2014, Sida la ogsoonyahay bilowgii bishan September ayay ahayd markii ay hogaaminta sare ee deegaanku go'aamiyeen ansixinta tuulooyinkii Canfarta ee Cadhayto, Candhuftu iyo Gadhamayto oo ah dhul Canfareed sida magacaba ka muuqata.

Go'aankan ayay hada kahor go'aamiyeen guddi heer federaal ah loo xilsaaray tuulooyinka waxaana sidoo kale qaatay guddigii heer deegaan oo kakoobnaa 5 xubnood, iyadoo dhawaantan ay si toos ah u ansixiyeen hogaaminta sare ee deegaanku in tuulooyinkaas Canfarta lagu wareejiyo maadaama dhul Canfartu leedahay ay yihiin.

Hadaba war aan maanta helnay ayaa sheegay in guddi heer federaal ah, guddi dawlada deegaanka Canfarta ah iyo guddi dawlada deegaanka Soomaalida ah ay ku kulmi doonaan bisha maskarem 11 magaalada Awaash. Taasoo si kama danbays ah loogu wareejin doono 3-da tuulo deegaanka Canfarta, taasoo uu hormuud kayahay Mudane C/xakiim Cigaal Cumar kuna wehelinayaan hogaaminta sare ee deegaanka.

Sidoo kale warku wuxuu intaas ku daray in 7 bisha Maskerem uu baxayo wafti uu hogaaminayo mudane Ilyaas Cumar si uu xafladaasi ula diyaariyo xubno kasocda dawlada federaalka.