CIID MUBAARAK



 

      

Xafiiska Caafimaadka DDSI oo Ka Hadlay Dhaadhicinta Nidaamka Cusub ee Fayo-dhawrka Nadaafada Deegaanka Loo Dejiyay.

Jigjiga(CN) Axad Sept,21,2014.labadii bilood ee ugu danbaysay ayaa uu Xafiiska Caafimaadka DDSI uu dardar xoogan galiyay sidii looga midhodhalin lahaa hirgalinta Qorshihii Sanadkan u yaalay afaiiska Caafimaadka heer Deegaan iyo laamihiisa ee xafiisyada Caafimaadyada 68da Degmo iyo isbitaalada taasoo lagu tayaynayo adeegbixinta caafimaad ee ay bixiyaan Isbitaalada iyo Xarumaha caafimaad lana siiyo Bukaan-jiifka,Bukaan Socodka,Hooyada, Dhalaanka iyo Xidhmooyinka Cudur-dilaacyada.

Xafiiska ayaa soo gabagabeeyay Dood Cilmiyeed uu ugu qabtay magaalada Jigjiga Dhakhaatiirta,Hawl-wadeenada Caafimaad,Isbitaalada iyo xafiisyada bahwadaagta la ah islamarkaana ujeedada laga lahaa ay ahayd soo bandhigida Nidaam cusub oo uu xafiiska Caafimaadka DDSI ugu talogalay ilaalinta Fayodhawrka Bulshada iyo Nadaafada si loo abuuro bulsho caafimaad qabta iyadoona Starategyadan Cusub loo dhaadhicin doono ilaa heer tuulo sida uu Wasiir ku-xig caafimaadka uu sheegay.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Caafimaadka DDSI mudane C/fataax Siciid oo ka hadlay gabagabadii doodcilmiyeedkan ayaa sheegay in looga dan leeyahay hirgalinta habka cusub ee loo dejiyay ilaalinta Fayodhawraka Nadaafada deegaanka ay tahay sidii loo abuuri lahaa Bulsho caafimaad qabta oo ka feejigan waxyaabaha nadaafad darada iyo jeermiska keeni kara. Mudane C/fataax Siciid ayaa Cararbaabay in marka la helo deegaan Caafimaad Nadiif ah in la heli karo bulsho iyaduna caafimaa qabta maadaama Deegaanka iyo blshadu isku xidhan yihiin,isagoona kula dardaarmay xirfadlayaasha caafimaadka ee ka hawlgala 68da Degmo in strategiyada ama habkan cusub ee xafiisku u soo dhaadhiciyay 6da Degmo,9kagobol iyo 4ta maamul magaalo in ay u hirgaliyaan sidii loogu talogalay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii uu xafiiska caafimaadka Deegaanka uu soo gabagabeeyay tababar lagu baray isticmaalka ku kaydinta xogaha caafimaad qalabka electroniga casriga ah(Computer Data Base) si looga guuro nidaamkii hore ee xogaha loo isticmaali jiay ama lagu kaydin jiray oo ahaa nooca Diiwaanada iyo Kaararka.

isku soo wada xooriyoo xafiiska caafimaadka heer deegaan ayaa gudagalay waji cusub oo lagu xaqiijinayo tayada Adeegbixinta Caafimaad iyo fayodhawrka bulsho caafimaad qabta iyadoona deegaankii ugu horeeyay ee samaysta Strategiyada fayodhawka iyo Nadaafada uu yahay DDSI.