5tii Dhurwaa ee Geela Cunay Dhereg Dartiina Ka baxsan waayay Ragii Geela lahaa.

(CQ) Axad Sept,21,2014.maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay 5 Dhurwaa ay u soo duulimaad tageen Geel kayn dhex daaqaya oo aynan wax dad ah a joogin xiligaa farxad darteedna ay dhurwaayadii ishayn kari waayeen.mid ka mida 5tii dhurwaa ayaa yidhi war inaga daaya geelan kolay ragii lahaa inagama fogee markaasay 4tii kale ku gacan saydheen oo midkiiba uu hal gurada jaray cunahana cantuugo ka kaga bogtay.

4tii Dhurwaa ayaa min hal geela meel xidh ah la galay waxay cunaan ee ay ku dul qoslaanba waxaa ku soo kadiyay ragii geela la joogay oo fardo ku shakaalan saa dharjac ayay dhurwaayadii ka siiyeen wax in cabaar ah la ordaba ileen waa dhurwaayo ka dhergay min hal geelee way ordi kari waayeen markaasaa hal hal loo dilay 4tii dhurwaa kii 5aad oo aan isagu afka saarin hilibkii Geela oo ay orodkiisa fardoolaydii gaadhi waayeen ayaa markii laga hadhay inta orodkii joojiyay dib u soo jaleecay saaxiibadii oo Waramo lala beegsaday markaasuu yidhi "Hadaan la Ordi Karin Marka Hore Maxaa loo Cunayay Geela". kkkkkk