Kulan Ay Saaka Yeesheen Gudiga Qaban-qaabada Shirwaynaha 8 aad Ee XDSHSI Iyo Go'aamo Kasoo Baxay.

Jigjiga(CN) Talaado Sep.23.2014, War hada naga soo gaadhay xarunta dhexe ee XDSHSI ayaa sheegaya in ay saaka kulan isugu yimaadeen xarunta dhexe xubnihii gudiga qaban qaabada shirwaynaha 8 aad ee Xisbiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya. Halaas oo laga arinsaday laguna go'aamiyay goobta iyo wakhtiga laqabanayo shirwaynaha 8aad ee XSHSI.

Guddiga qaban qaabada shirwaynaha oo kakooban 9 xubnood oo ay gudoominayaan madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane C/casiis Maxamed Cabdi iyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada mudane Mawliid Haayir ayaa kulankan saaka lagu go'aamiyay in shirwaynaha 8aad ee XDSHSI lagu qabto Magaalada Fiiq ee xarunta gobolka Nogob.

Sidoo kale go'aamada guddiga kasoo baxay waxaa kamid ahaa wakhtiga shirwaynaha oo la go'aamiyay maalinta 27 iyo 28 bisha meskerem ee haatan lagu jiro. Waxaa kale oo ay guddigu magacaabeen oo ay hawlgaliyeen guddi hoosaadyadii diyaar garowga shirwaynaha, waxaana maanta hawlgalay gudigii diyaarinta goobta shirwaynaha islamarkaana u alaaba qaatay dhankaas iyo xarunta gobolka Nogob.

Shirkan ayaa ah shirwaynihii 8aad ee caadiga ahaa ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabiga Soomaalida Itoobiya oo labadii sano mar laqabto, iyadoo shirwaynihii 7aad lagu qabtay degmada Birqod ee gobolka Jarar oo ahayd markii ugu horaysay ee shirwaynaha xisbiga lagu qabto goob kabaxsan xarunta DDSI ee Jigjiga.