CIID MUBAARAK



 

      

Wasiir-Kuxigeenka Was,Caafimaadka DDSI oo Shaaciyay Wakhtiga La Bilaabi Doono Wareegii 11aad ee Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha oo Ku Beegan Meskeram 19-23.

Jigjiga(CN) Jimce Sept,26,2014.Bilihii ugu danbeeyay ayaa uu xafiiska caafimaadka DDSI uu dardar xoogan galiyay sidii looga midhodhalin lahaa hirgalinta dhamaanba Qorshayaashii u yaalay xafiiska ilaa heer tuulo si loo xaqiijiyo in qaybaha bulshada iyo hooyada la siiyo adeeg caafimaad oo tayo leh kana turjumaya Qorshayaasha uu dalku xiigsanayo iyo xidhmooyinka Caafimaad.

Sidoo kale xafiiska oo bishan dhaqaajiyay barnaamijyo badan oo caafimaad ayaa hadana ahmiyad gaara siiyay sidii looga hortagi lahaa Cudur-dilaacyada faafa ee ku dhaca Caruurta,dadka waawayn iyo Duunyadaba maadaama Cudur-Dilaacyada qaar ay xuduudaha iskaga gooshaan. Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa dar dar xoogan iyo dadaal dheer ugu jira sidii looga hortagilahaa cudurada faaha ee ku dhaca dadka iyo duunyadaba si uu deegaanku si aan deegaanku loogu arag cudurka Dabaysha iyo la tacaalida cudurada kale  ee iskaga goosha xuduudaha.

Haddaba mar uu maanta xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka Wasiir ku-xigeenka Wasaarada caafimaadka DDSI mudane Cabdifatax Siciid ayaa waxa uu shaaciyay wakhtiga uu bilaabmi doono wareegii 11aad ee ololaha talaalka cudurka Dabaysha(Polio) islamarkaana lagu talaali doono Caruurta Da'doodu tahay 5jir iyo wixii ka hooseeya iyadoona uu bilaabmi doono wareega 11aad ee Talaalka Cudurka Naafeeyaha(dabaysha) Bishan Maskarem 19keeda ilaa 23ka.

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in wareegan 11aad lagu talaali doono caruur ay tiradoodu dhantahay 1-millyan oo caruurta ku nool dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka DDSI ah taasoo uu Xafiiska iyo Hawlwadeenadiisa Caafimaad ay si heer sare ah oo ka duwan nidaamyadii hore ee habqanka ahaa aan ugu diyaargarawnay Talaalkan ayuu yidhi Wasiirku.

Dhanka kale Mudane C/fataax Siciid ayaa sharax ka bixiyay 54 Talaagadood oo Casri ah kuna shaqeeya Ilayska Tamarta Qoraxda 54 talaagad kuwaasoo lo qaybiyay 54 xarun caafimaad oo 9ka gobol ee Deegaanku ka kooban yahay ku kala yaala iyadoona dhamaanba xarumaha caafimaadka deegaanka marka laga reebo xarumaha helay la wada gaadhsiin doono sida ugu dhaqsaha badan.

Wasiir kuxigeenka ayaa intaa ku daray in talaagadahan ku shaqeeya Tamarta Qoraxda lagaga maarmi doono talaagadihii hore ee gaaska ku shaqayn jirtay ee ay cakirnaan jirtay helida Gaaska ama dibudhaca ku iman jiray gaadhsiinta Gaaska xarumaha caafimaad,lagagana kaaftoomi doono laydhkii Xiliyada korontadu aanay jirin iyadoona ay Talaagadahan ku shaqeeya Tamarta Qoraxda ka sakow qaboojinta Talaalka laga dhalin karo Laydh islamarkaana koronto ahaan habeenkii xarumaha caafimaadka ee aan laydhka korontada lahayn u isticmaali doonaan laydh ahaan laguna fulin karo adeegyada caafimaadka sida dhalmada hooyada iyo adeegyada kale.

Isagoona ugu danbayntii Wasiirku ku booriyay in ay Waalidka ku dhaqan Deegaanku ugaga faaiideeyaan Talaalida Caruurtooda balse Xafiiska ay ka go'an tahay in Goob kasta oo shacab joogaan Guud ahaan 9ka Gobol,68da Degmo iyo 4ta Maamul Magaalaba gaadhsiiyaan Talaalka Cudurka dabaysha.

Isku soo wada duuboo waxaa cad in labadii bilood ee ugu danbaysay in Xafiiska Caafimaadka DDSI uu qaaday Talaabooyin isdaba joog ah oo ku xaqiijinayo Tayada adeegbixinta Caafimaad iyo Daryeelka bulshada.