Ramadan Kariim 



 

      

Wasiir Ku-Xigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyiinka Dhismaha iyo warshadaha oo Sheegay in Magaalada Qabridahar Laga Bilaabayo Mashruuca laaydhka Wadooyinka ee Solarka ku Shaqeeya.

Jigjiga(CN) Talaado Sept,30,2014.Sida aynu wada ogsoonahay in Xukuumada maanta majaraha hogaamineed u haysa Deegaanka in ay mudadii ay jirtay salka u dhigtay Qorshayaal Horumarineed oo Baaxad wayn kana turjumaya Baahiyaha aasaasiga ee shacabka dhinac walba ee ku salaysan hirgalinta Degdegsiimaha badan ee lagaga jawaabayo codka shacabka deegaanka taasooy ka marag kaceen Qaybaha shacabku.

Hadabba wasiir kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyiinka Dhismaha iyo warshadaha mudane Axmed Shukri ayaa mar uu wariyaha shabakada cakaaranews uga warbixinayay Qalabkan tibaaxay in Xafiiska oo ka duulaya Qorshaha iyo Taageerada ay xukuumada maantu la garab taagan tahay in ay sanadihii ugu danbeeyay ay xooga saareen sidii Magaalooyinka guud ahaan deegaanka loo horumarin lahaa dhinacyada hirgalinta adeegyada Quwada korontada,Telefoonada,Internetka,Mobileka iyo Qorshe-Hagaha (master-Plan) si kor loogu qaado horumarinta magaalooyinka loogana taabogaliyo adeegyada aasaasiga ah ee lafdhabarka horumarka Bulshada ah.

Mudane Axmed Shukri ayaa intaa ku daray in mashaariicaha waawayn ee xafiisku ka wado Gobolada iyo Degmooyinka uu deegaanku ka kooban yahay ka mid yihiin Mashruuca Laydhgalinta wadooyinka magaalooyinka ee ku shaqeeya kaydka Qoraxda(Solar System) oo markii ugu horaysay wadamada Gobolka laga hirgaliyay Magaalada Dh/buur iyadoona ay magaaladii 2aad noqon doonto Magaalada Qabridahar oo ay dhamaan Qalabkii laydhka wadooyinka ee Solarku ay soo gaadheen magaalada jigjiga islamarkaana loo sii daabulayo magaalada qabridahar oo todobaadyadan laga bilaabi doono galinta laydhka Wadada wayn ee dhexmarta magaalada iyo Wadooyinka waawaynba taasoo wax wayn ka tari doonta bilicda Magaalada,Ganacsiga,isgaadhsiinta iyo amaankaba.

isku soo wada soohoo dhamaanba Qalabkii laydhgalinta Wadooyinka magaalada Qabridahar ayaa ay shixnada baabuurtii waday tuban yihiin magaalada jigjiga iyagoo ku sii jeeda Qabridahar oo sida ugu dhaqsaha badan looga hirgalin doono mashruucan laydhka Qoraxad ku shaqeeya wadooyinka