CIID MUBAARAK



 

      

Xaflad ka dhacday Melbourne ee Cariga Australia oo Lagu Soo Sagootiyay Waftiga uga Qaybgalaya Shirwaynaha 8aad ee XDSHSI.

Melbourne(CN) Khamiis Oct,02,2014.Waxaa magaalada Melbounre ee dalka Australia ka dhacay habeenki arbacada ee ay taarikhdu ahayd 01/10/2014 xaflad balaadhan oo si heer sare ah ay isugu soo dubarideen ururka soomaalida itoobiya ESDCA iyo faracooda kale ee ay leeyihiin loona yaqaan OCA..

Munaasabadan ayaa lagu soo sagootinayay waftiga uga qaybgali doona shirwaynaha 8aad ee XDSHSI eek a Dhici doona Gobolka Nogob gaar ahaan magaalada Fiiq ka dib martiqaad ay ka heleen Xarunta Dhexe ee XDSHSI laanta jigjiga. Waftiga matalaya Jaaliyada DDSI ee Australia ayaa waxay ka kooban yihiin Gudoomiyaha ururka ESDCA Marwo Umalkhayr Hagi Ali Dalmar,ku xigeenka Ururka Sheikh Hassan Ibrahim iyo Ahmed Mohamed Omar Haaguf oo xubin ka ah.

Xaflada Sagootiska ayaa talooyiyin,guubaabo iyo dardaaran badan looga soo jeediyay Xubnahan islamarkaana si xeeldheer ay hogaaminta jaaliyadu uga soo jeedisay warbixinta waxqabadka xukuumada manta iyo ka hor heerkii iyo dayacaadii ka muuqatay Guud ahaan Deegaanka iyo shacabka.Waxaana aad iyo aad llogu amaanay maamulka suuban ee DDSI ee uu hogaaminayo Mudane Abdi Mahamoud Omar oo sanadihii ugu dambeeyay horumar balaadhan oo dhinac walba taabana ka qabtay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.Waxaana la rajaynayaa in horumarka xawliga ku socda iyo maamulka suuban la sii laban laabi doono ayaa ay ku soo gunaanadeen.