CIID MUBAARAK



 

      

Wakiilada Ergooyinka Jaaliyadaha Qurba-joogta u Dhalatay DDSI 5ta Qaaradood uga Qaybgalaya Shirwaynaha 8aad ee XDSHSI oo Magaalada jigjiga Raxan Raxan ugu Soo Qulqulaya oo Si Heer Sare ah Gudoomiyaha iyo Madaxda Xisbigu ugu Soo Dhaweeyeen Garad Wiil-waal

 Jigjiga(CN) jimce Oct04,2014.Waxaa maanta garoonka diyaaraha ee garaad wiil-waal international airport si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay ergooyinka qurba-joogta u dhalatay deegaanka ee ku baahsan daafaha dunida uga qayb galaya shirwaynaha 8aad ee XDSHI ee ka dhici doona xarunta gobolka nogob ee magaalada fiiq. Ergooyinkan wakiilada Qurbajoogta oo ka kala socday dhamaan qaaradaha aduunka ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka Baarlamanka DDSI mudane Maxamed-rashiid Isaaq oo ay wehelinayeen ku xigeenada Maareeyaha Wakaalada Qurbajoogta DDSI mudane Bashiir Maxamed Cabdilaahi, iyo mudane Cabdi Khaliif Buraale(dhoonbe) iyo waliba masuuliyiin kale.

Haddaba wufuudan wakiilada jaaliyadaha 5ta qaaradood ka kala socday ee maanta soo gaadhay xarunta deegaanka ee ka qayb galaya shirwaynaha 8aad ee xdshsi oo warbaahinta deegaanka qadar ugu waramayay Qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha ayaa waxay dhamaantood sheegeen in si balaadhan uga mahadnaqayaan soo dhawaynta qiirada leh ee ay xukuumadu ku qaabishay,xidhiidhka wanaagsan ee xukuumada maantu u abuurtay Qurbajoogta iyo isbedelada horumarineed ee ay xukuumada maantu ku talaabsatay uguna horeeyo Gagida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Garaad Wiil-waal.

waxaa kale oo ay ka warbixiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin martiqaadkan xukuumadu u fidisay in ay ka soo qayb galaan shirwaynaha oo ku soo beegmay ayay yidhaahdeen xili ay xukuumada iyo Xisbiga talada deegaanka hayaa ay guulo waawayn dhinacyada horumarka,nabadgalyada iyo maamulka suuban ka gaadheen hadaanu nahayna wakiilada dhamaan jaahliyadaha kala duwan ee ku nool qaaradaha aduunkuna si buuxda ayaanu u garab taaganahay guulaha waawayn ee ay xukuumada maantu shacabkeeda u soo hoysay loona baahan yahay in halkaasi laga sii wado horumarkaasi wax kasta oo lid ku ah ama isku daya in uu xagal-daaciyo horumarka iyo dawladnimada curdinka ah ee 4jirsatayna si wada jir ah layskaga qaban doono.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka qurba joogta mudane Bashiir maxamed cabdilaahi oo la hadlayay waraahinta ayaa sheegay in ay xukuumadu xili kasta iyo saacad kastaba si diiran u soo dhawaynayso ergooyinka kala duwan ee qurba joogta u dhalatay deegaanka ee siyaabaha kala duduwan u imanaya DDSI ugana mahadnaqayso kala soo qaybgalka shirwaynaha 8aad ee ka dhicidoona xarunta Gobolka Nogob ee Fiiq wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku in ay qurba joogta u dhalatay deegaanku markasta siwayn uga qayb qaataan hawlaha horumarka horumarka nabadgalyada kor u qaadida koboca .

Isku soo wada Soohoo garoonka diyaarahada ee Garaad wiil-waal international Airport ayaa maanta labadii galinta ay soo buux dhaafiyeen diyaradaha waday ergooyinka kal duwan ee ka socoda dalka iyo qaaradaha kala duwan ee aduunka kuwaasi oo ka soo qayb galaya shirwaynaha 8aad ee XDSHSI ee ka dhacaya xarunta nogob gobolka ee fiiq