Deg Deg Shirwaynihii 8aad ee XDSHSI Oo Saaka Si Rasmiya Uga Furmay Xarunta Gobolka Nogob Ee Magaalada Fiiq.

Fiiq(CN) Waxaa hadda ka furmay xarunta gobolka Nogob ee magalada Fiiq shirwaynihii 8aad ee XDSHSI oo maalmahan u diyaar garowgiisu si fiican uga socday dhamaanba deegaanka, gaar ahaan madasha loogu tala galay in uu ka furmo. Waxaana shalay soo galay xarunta gobolka Nogob ee Fiiq dhamaan ergooyinkii iyo marti sharaftii loogu talay ka soo qayb galka shirka waxana shalay galabtii si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta gobola wafigii ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo ay ka mid ahaayeen ergooyinka heer fadaraal. Saaka arbaarihii 8:30 subaxnimo ayaa waxaa ay masuuliyiintii iyo ergooyinku ku xaadireen goolka wayn ee loogu tala galay in uu shirku ka dhoco furitaankii shirkan oo ay si diiran uga soo qayb galeen dhamaan masuuliyiintii iyo ergooyinkii. Haddaba shirkan oo hadda furmay ayaa waxaa ugu horayntii ka dhagaystay warbixinta waxqabadka gudiga qaban qaadaba shirwaynaha oo uu soo jeediyay mudane ahmed maxamed shurgi warbixint ka dib waxaa ayaa waxaa la guda galay doorashada shir gudoonka shirka oo ah 5 xubnoo oo kale ah gudomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka baarlamaanka DDSI mudane maxamed rashiid isaaq , madaxwaynana DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada mudane mawliid haayir, madaxa xarutna dhexe ee XDSHSI mudane cabdicasiis maxamed cabdi iyo ahmed maxamed shugri Hadda shirwaynahan oo hada si rasmiya uga socda ayaa wixii warar ah ee ka soo baxa si toos ah idiin ku soo gudbin doonaa