Ramadan Kariim 



 

      

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Warbaahinta Somaliland Ugu Baaqay In Ay Warxumo Tashiilka ka Dayaan Arrimaha Dawlada Deegaanka Somalida Etoobiya

Xigasho-HARGEISA(Wajaalenews);Suldaan ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ka mid ah salaadiinta dhaqanka shacabka kal degan Somaliand iyo deegaanka Somalida Itoobiya, ayaa baaq u diray dhammaan warbaahinta Somaliland iyo mas’uuliyiinta Dawlad Deegaanka Itoobiya. Suldaan ismaaciil ayaa isagoo warbaahinta la hadlaya wuxu yidhi; “Ugu horrey waxaan salaamayaa guud ahaan ummada Somaliland iyo dawlad-deegaanka Somalida Itoobiya oo labadaba aan suldaan u ahay maadaama ay shacabku labada dalba kala degaan balse juquraafi iyo jinsiyad ahaan ku kala abtirsada Itoobiya iyo SL.

Bacda salaan aan u kala dirayo shacbka SL iyo reer itoobiya,waxaan mudooyinkan danbe warbaahinta somaliland aad siyaabo kala duduwan wax uga qoraysay khilaafka dhex maray mas’uuliyiinta dawlad deegaanka, kaas oo aad moodo in saxaafada Somaliland aad u buunbuuninayaan taasoo lid ku ah nidaamka saxaafada iyo Deris-wanaaga soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo iyaga oo qora waxyaallo dadka sii kala fogaynaya una abuuri kara colaad.

Waxaan leeyahay anigoo si toos ah ula hadlaya qaar ka mida saxaafada SL, maaha in aad dhex-dabaalataan warar aan jirin oo ah dhaan dabangaale islamarkaana dab sii shidaan warar aan jirina ka qortaan Xukuumada DDSI oo ah tii ugu horaysay ee soomaalida itoobiya 4tii sano ee ay xukunka haysay gaadhsiisay isbedelo horumarineed,N/galyo iyo maamul suuban si siman dhamaan Deegaanka xusuus gaara ahna u tahay in Xarshin markii ugu horaysay laga biyo-gaadhay ceelkii ugu dheeraa oo ay dadka iyo duunyaduba maanta durduurtaan.

Suldaanka Wararka iyo dacaayadaha raiiska ah ayaa ah kuwo shacabka walaalaha ah iyo mas’uuliyiintaba sii kala fogaynaya dadku waa dadkeenii dawladnimada labada wadana waa dawladeenii waxa la inooga baahan yahay in aan is barbar taagno waxkasta oo ah wanaagooda iyo isku duubnidooda sii xoojinaya dawlada deegaanka soomaalida itoobiya oo aynu ka baahino warbaahinteena SL.

Maamulka degaanka Somalida muddooyinkan dambe waxay gaadheen horumar balaadhan waxayna ku gaadheen isku duubni iyo wada tashi waxaan leeyahay hogaanka sare ee xukuumada iyo xisbiga deegaanka arrimaha dhexdiina ku dhammaysta wada hadal iyo isku tanaasul, taas ayaana sii xoojin karta wada shaqayntiina dhammaytirna u noqonaysa dadaalada aad ugu jirtaan in bulshada deegaanku helaan horumar la taaban karo oo ka baxa horumarkan maanta ka muuqda gayiga soomaalida itoobiya ee curdinka ah.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu intaas raaciyey; “Dhanka kale maalmahan ayaa waxad moodaa in uu sii dammayo khilaafkii ka jiray madaxda deegaanka somaliada ee uu Madaxwaynaha ka yahay mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo muddadii uu Madaxwaynaha ka ahaa Dawlada deeganka somalida etoobiya ku talaabsaday horrumar laxaadleh korna u qaaday nabadgalyada,kaabayaasha horumar,dhaqan dhaqaale iyo kobcinta dhaqaalaha Somalida Itoobiya una noqday mid u saamaxda dhammaystirka dhammaan baahiyaha aas aasiga ah, korna u qaaday guud ahaan wax soo saarka deegaanada Somalida, taas oo mid ku dayasho mudan yididiilana galinaysa guud ahaan Somlida geeska iyo Somaliland-ba una baahan inlaga dhawro waxkasta oo hagardaamaynaya horumarkooda iyo dariswanaaga.

WAJAALENEWS DESK.

F.G:-Waxaanu ka soo xiganay Website-ka wajaalenews qormadan oo ku soo baxday taariikhdu markay ahayd bishii septembar 30keedii oo ku beegnayd xili laga sheegayay Deegaanka warar been ah walow wakhtixaadirkan lagu dhamaystiray dhamaan wixii khaladaad jiray Shirwaynihii 8aad ee XDSHSI oo ka dhacay Fiiq balse ay xusid mudan tahay in la baahiyo sidii ay hogaaminta dhaqanku uga gilgisheen wararkii iyo dacaayadihii raqiiska ahaa ee laga sheegayay DDSI.