Ramadan Kariim 



 

      

Ku-Simaha Wasiirka Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI ayaa Magaalada Addis-ababa Kula Soo Wareegay Qalab Isugu Jira Gaadhi Casri ah iyo Qalabka Biyaha.

Addis-ababa(CN) Sabti Oct11,2014. Wasaarada Biyaha DFI oo kaashanaysa 5ta deegaan ee hore loo odhan jiray kililada dibudhacay ayaa daraasaad laga sameeyay lagu ogaaday in 5tan kilil u baahan yihiin in laga caawiyo dhinaca Biyaha maadaama ay baahi badan oo loo qabo helida biyo nadiif ah ay ka jirto deegaanada.

Wasaarada ayaa heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay dalka spain(Spain Cooperation Ageny) sanadkii 2012.T.T.I oo ka mida deeqbixiyayaashaa sidii ay deegaanada uga caawin lahayd noocyada mashiinada waawayn,Matoorada,tababarada iyo noocyada kale ee biyaha loo isticmaalo si kor loogu soo qaado tayada helida biyo nadiif ah maadaama ay deegaanadu u baahan yihiin in laga taageero qalabka biyaha sida Generatorada Biyaha soo tuura,Pump-ka biyaha loona tababaro shaqaale joogta ah(Heegan ah) kana shaqeeya arimaha degdega ah ee hadba soo kordha emergency team service.

Hadaba hay'adan oo ka duulaysa daraasaadkii 5ta deegaan laga soo sameeyay baahiyahooda la xidhiidha dhanka biyaha ayaa deegaan walba usoo iibisay Qalab deeq ah iyadoona DDSI oo ka mida deegaanada qalabkan deeqda ah lagu gudoonsiiyay ku-simaha xafiiska wasiirka xafiiska Mudane Ilyaas Cabdi ismaaciil uu kala wareegay Xaflad loo sameeyay Gudoonsiinta Qalabka deeqda ah 5ta Deegaan hay'ada Qalab ka koobnaa 7-Generator,6-Pump,Tuubooyinka Ceelasha iyo Gaadhi wayn oo casri ah looguna talogalay in goob kasta uu ku dayactiro ceelasha iyo matoorada biyaha (Mobile Workshop) iyadoona uu baabuurkani leeyahay Camera casri ah oo lagu ridayo gunta hoose ee Ceel-biyoodka islamarkaana lagala soconayo Computer lagu ogaan karo goobaha ciladaha iyo xaalada qaybaha ceelka.

Sidoo kale hay'adan dalka spain laga leeyahay ayaa tababar socday ku dhawaad mudo bil ah deegaanada ugu tababartay farsamayaqaanada si ay ugu fududaato in ay qalabkan casriga ah ugu shaqeeyaan Xaflad loo sameeyay Deegaanada oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Xafiiska Biyaha Federalka,Madaxda hay'ada,Madaxada Deegaanada ayaa waxaa shahaadooyinkoodii lagu gudoonsiiyay farsamayaqaanadii loo tababaray 5ta Deegaan iyo Deegaan kasta Qalabka lagu caawiyay oo ay u gudoomeen Masuuliyiintooda halkaasoo ay Madaxda wasaarada Biyaha DFI iyo Hay'aduba hadalo iyo dardaaran ka soo jeediyeen.

Wasiirka matalayay xafiiska Biyaha DDSI mudaneIlyaas Cabdi Ismaaciil oo aanu wax ka waydiinay Qalabkan uu la soo wareegay ayaa noo sheegay in Baabuurka casriga ah uu yahay mid aan hore deegaanka uusan u lahayn kaasoo wax wayn ka tari doonaa Cilad saarida Ceelbiyoodyada gunta dheer.iyo daraasaadka biyaha.