Shir Balaadhan oo Lagu Qiimaynayay Taabogalka Barnaamijka Mashaariicaha Horumarinta Qarniga(MDG) Looguna Diyaargaroobayo Hirgalinta Qorshaha 2007 oo Ka Dhacay Hotel Nogob ee Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) KhamiisOct,16,2014. Sidaynu wada ogsoonahay barnaamijka Horumarinta Qarniga ee loogu talogalay in uu kaalin mug leh ka qaato Kobaca Dhaqaalaha wadanka(Millenium Development Goal) ayaa ka socda sanadihii ugu danbeeyay qaar ka mida Gobolada DDSI sida Gobolka Afdheer,Liibaan iyo Siti taasoo culayska lagu saaro sidii bulshada xoolo-dhaqatada ah loogu bedeli lahaa xoolo-dhaqato Beeraley leh nolol degan oo suurtogalisa in ay Dawladu gaadhsiiso dhamaanba adeegyada aasaasiga ee ay ka midka yihiin Waxbarashada, Caafimaadka, Isgaadhsiinta,Waraabka,Beeraha iyo Jidadka.

Deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa hore loogu amaanay sida ay ugu guulaysteen dhaqangalinta MDG-ga dhamaan sectarada uu ka kooban yahay loogagana faaiideeyay bulshada helida biyo nadiifa kuwa dhulka hoostiisa ku jira iyo kuwa roobkaba taasoo ay qaar ka mida deegaanada kale ee barnaamijkani ka socdo ay aqoon kororsi ugu yimaadeen DDSI si ay khibrad uga qaataan tabaha uu deegaanku ku hirgaliyay barnaamijka ka faaiidaysiga wabiyada iyo Dooxooyinka ee dadka danyarta ah loogu bedalayo xoolo-dhaqato beeraley ay kaga faaiidaystaan waxsoosaarka beeraha iyo adeegyada dawladaba.

Hadaba saaka ayaa ay shir lagu qiimaynayo waxqabadka iyo dardargalinta qorshayaasha MDG ee u yaala sanadka 2007.T.T.I isugu yimaadeen U Qaybsanaha Arimaha Horumarinta Qarniga(MDG) xafiiska Beeraha DFI mudane Restu, Maareeyaha Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak,Maareeyaha wakaalada horumarinta Biyaha mudane Maxamed C/waaxid,maareeyaha wakaalada dhismaha booliska gaarka ah mudane eng.Subeer Cabdi,maareeyaha naqshadaynta iyo Daraasadaaka,ku-xigeenada wakaaladaha iyo injineerada xafiisyada kor ku xusan.

Shirkan oo socon doona ayaa maanta lagu falanqaynayay heerka waxqabadka ay gaadhsiisan yihiin mashaariicaha ugu waawayn ee isugu jiray Jidadka,buundooyinka iyo Waraabka ee ka kala socday fiiq,laab beercaano dhanaan,dad 1&2,harawo iyo Xamaro gasaangas iyo qaar kalaba.

Masuuliyiintan ayaa uu mid kastaaba uu heerka waxqabadka xafiiskiisa uu ka soo jeedinayay kulankan iyadoona su'aalo laga waydiinayay jawaabaha ku haboona ay ka bixinayeen. kulankan ayaa maanta la isku afgartay in sida ugu dhaqsaha badan loo dardargaliyo gabagabaynta mashaariicaha qabyada ah(Unfinished Project) si loo gudagalo hirgalinta Qorshaha sanadkan 2007.T.T.I oo maalinta beri ah hadii alle idmo.