Boordhigii Doorashooyinka Deegaanka Oo Shaqadii Doorashooyinka Bilaabay.

Jigjiga(CN) Isniin.03.Nov.2014, Bordhiga doorashooyinka federaalka ayaa dhawaan ku dhawaaqay wakhtiga doorashada laqabanayo oo ku beegan badhtamaha bisha Ginbood ee sanadkan 2007.T.I.

Hadaba Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya ayaa u diyaar garoobaya hawlaha doorashooyinka, iyaodoo ay bordhigii deegaanku dhamaan ka bilaabeen degmooyinka hawlaha doorashooyinka.

XDSHSI ayaa kalsooni badan ku haysta shacabka deegaanka oo garab taagan halganka xisbiga ee ladagaalanka saboolnimada iyo hirgalinta isbadalada horumarineed.

XSHSI ayaa guulo taarikhi ah kasoo hoyiyay istaraatijiyadaha horumarineed ee deegaanka kuwaas oo xisbigu ka duulo baahida shacabka islamrkaana meel mariyay targetkii iyo isbadalkii larabay.