CIID MUBAARAK



 

      

Jaaliyadda DDSI ee Jarmalka oo Hanbalyo iyo Taageero wayn u muujisay Go'aanadii Ka Soo Baxay Shirwaynihii8aad ee XDSHSI.

 Germany-Frankfurt(CN) Isniin Nov-03-2014.. shir balaadhan oo siwayn loo agaasimay oo lagu taageerayo,laguna garab istaagayo Go'aanadii ka soo baxay shirwaynihii 8aad ee XDSHSI ee ka dhacay xarunta Gobolka Nogob ee magaalada Fiiq laguna soo dhisay si Democraic ah Hogaaminta inta ka horaysa shirwaynaha 9aad ee Xisbiga ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01.11.2014 lagu qabtay wadadnka Germany magaalada Frankfurt.shirkaas waxaa ka soo qayb galay dhammaan jaaliyyada DDSI ee ku dhaqan dalka Jarmalka,Madaxda Safaarada DFI,Marti-sharaf iyo jaaliyadaha Qowmiyaha kale ee DFI.

Ugu horrayntii waxaa shirka daah furay oo salaan iyo soo dhawayn ku billaabay Cabdirashiid shariif oo ka mid ahaa qabaqaabiyayaasha shirka isagoo jaaliyyada u sharraxay ujeedada shairka iyo ahmiyadda ay ka leeyihiin ee ay halkan isugu yimaadeen in ay ugu horayso Taageeridda shirkii xisbiga ee dhawaan lagu qabtay degmada Fiiq.

intaas kadib waxaa Microfonka lagu soo dhaweeyay Atto. Girma Mengesha oo ah siihayaha Qunsuliyadda Guud ee jarmalka ahna uqaybsamaha arrimaha Diaspora Atto Girma ayaa aad ugu mahad celiyay sida wanaagsan ee ay jaaliyadda Somalida Ethiopiaya ay uga soo qayb galeen shirkan oo muddo badan la sugaayay. Atto Girma oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay Jaaliyadda somaalida ethiopia waxay karti u leeyihiin in ay iyagu wax walba qabsan karaa isagoo tusaale ahaan u soo qaatay dhammaan Jaaliyadaha Guud ee Ethiopia waxaa ugu horeeya dhinaca iibsashada Bondhiga waa Jaaliyadaha Somalida Ethiopiya meelkasta oo ay joogaan, waa lawada ogyahay haddan nahay Safaaradaha Ethiopia Ammaanna igama aha ee waa wax lagu faano.

Waxaa kale oo isna hadal aad u qiima badan oo qiiro ay ku dheehantahay shirkaas ka soo jeediyay Cabdi wali Ukun oo sheegay in uu ahaa odayyaashii muddo badan ka soo shaqeeyay DDS oo aad uga hadlay horumarka maanta lagaaray iyo nabad galyada inoo soo hoyatay waa waajib muqadas ah in aynu wada taagerno xukuumaddaas ninkii wax kale aaminsanaw nooga bax shirka ayuu ku nuuxnuuxsaday Cabdiwali Ukun.

Guud ahaan jawiga shirka oo aan la qiyaasi karin ayaa waxaa iyaguna kaalintooda ka hadlay dhallinyaro aad u qiiraysan oo dareenka jidhkooda laga dheehanayo inuu ku dhacay isbadal ka oohiyay dad badan oo shirka ka soo qayb galay haddii aan wiil kamid ah dhallinyaradaas ka hadashay meesha aan ka soo qaato waxuu yiri aniga iyo saaxiibaday inta aanan shirka soo galin waxaa nagu qufulnaa wax kale in aan meesha qalalaase iyo arbush micno la'aan ah ka samayno ayaan rabnay laakiin waxaa maanta hortiina ka cadaynayaa in aan isbadal xag alle ah igu dhacay oo aan hiil iyo hooba la garab istaagi doono dadkayga iyo dawladayda uu Hogaaminayo Cabdi maxamuud Cumar waxaan jaaliyadda iyo dadkaygaba ka codsanayaa in ay icafiyaan.

Lama soo koobi Karo wixii ka dhacay shirkaas ugu danbayntii waxaa laguda galay qaab dhismeedkii jaaliyadda oo lawada sugaayay tolaw sidee ayay u dhici doontaa. Hogaamintii shirku waxay billaabeen inay Micrafoonka ku wareejiyaan Atto Girma si uu hogaamiyo Doorashada jaaliyadda ee lagu aasaassayo (Ururka Horumrinta Somalida Ethiopia) waxaa halkaa ka dhacday doorasho si xor ah Demokrati ah u dhacday waxaana doorashadii ku guulaystay xubnahan hoos ku qoran oo loo hanbalyeeyay.

1-Abdirashiid Shariif Ali Guddoomiye

2-C/Rashiid Shuqul Cabdi G/kuxigeen

3-Farxaan Cawil Xoghayn

4-Bashiir Muxumed Addoon Xidhiidhka dadwaynaha

5-Ugaas Ahmed Xassan Xaali Xisaabiye

6-Cabdi Xayi Cawil Xubin

7-Maxamed Babyad Xubin

8-Cabdiqani Axmed Xubin

9-Asli Xaaji Xubin