Ramadan Kariim 



 

      

Safiirka DFI ee Jabuuti oo Kulan La Qaatay wasiir Kuxigeenka Caafimaadka DDSI Casho-Sharafna u Sameeyay.

Jabuuti(CN)Safiirka DFI u fadhiya Dalka Jabuuti Mudane Suleiman Dedefa ayaa safaarada ku qaabilay wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka DDSI mudane C/fataax Siciid oo maalmahanba kulamo gaar gaar ah la lahaa Madaxda jabuuti iyo Jaaliyada DDSI ka dib markii uu soo gabagaboobay shirwaynihii caafimaadka Bariga Afrika.

Safiirka ayaa aad uga mahadceliyay Dadaalka xukuumada maanta ay ku abuurtay xidhiidhka Qurbajoogta taasoo abuurtay iskuxidhnaan iyo ka qaybgalka arimaha Horumarka,N/galyada iyo Maalgashiga. Safiirka ayaa balanqaaday in hogaaminta Jaaliyada DDSI ee Jabuuti lagu martiqaadi doono ka soo qaybgalka maalinta Qowmiyadaha iyo shucuubta itoobiya Hidar 29.

Mudane C/fataax ayaa isna dhankiisa sheegay in Xukuumada DDSI iyo XDSHSI ay sii labalaabi doonaan xidhiidhka iyo kala warqaadashada Qurbajoogta ku baahsan Caalamka gaar ahaan Jaaliyada Dalka jabuuti oo si wayn oo lagu farxo isu abaabulay isagoona balanqaaday in ay xukuumadu sii wadi doonto xidhiidhka qurbajoogta islamarkaana Hogaaminta jaaliyada jabuuti lagu martiqaadi doono Xarunta Deegaanka.

Mudane C/fataax ayaa uga mahadceliyay Safaarada DFI sida ay u soo dhawaysay Xidhiidhka iyo lashaqaynta qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan dalka jabuuti.

Ugu danbayntii ayaa ay masuuliyiintu iswaydaarsadeen ereyo dardaaran ah islamarkaana loo soo sagootiyay wasiir kuxigeenka Dhanka Dalka itoobiya.