CIID MUBAARAK



 

      

Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Wakaaladaha Qurbajoogta Dalka Itoobiya Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Magaalada Assosa Ee Caasimada Benishangul-gumuz.

Assosa(CN) Arbaco.12.Nov.2014, Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada assosa ee caasimada u ah deegaanka Binishangul gumuz  shir lagu qiimaynay waxqabadkii qurbajoogta deegaanada dalka iyo waaxda u qaabilsan wasaarada arimaha dibada JDFI  dhinaca qurba joogta , laguna soo jeedinayay qorshaha waxqabadkii wakaaladaha qurba joogta dalka. Shirkaas oo ay kasoo qaybgaleen dhamaanba masuuliyiinta xafiisyada qurba joogta ee deegaanada dalka iyo ismaamulada magaalooyinka iyo masuuliyiin ka socotay wasaarada arimaha dibaba JDFI.

Shirkan oo diirada lagu saarayay dhinacyada waxqabadka ay wakaaladaha qurba joogtu ka qaybteen dhinacyada xidhiidhka qurba joogta iyo dhinacyada maalgashiga. Xukuumada DDSI ayaa waxaa uga qaybgalay Shirkaas maareeyaha wakaalada qurba joogta DDSI mudane Cabdibari Macalin Maxamed  isaga  shirkaasi  kasoo jeediyay waxqabadkii wakaaladda DDSI  iyo meel marinta qorshayaasha horumarineed uu u yaala wakaalada  Kadib waxaa dhammaan kilildda, ismaaluda magaalooyin,  wasaaradha Arimaha dibada  iyo hayadah UN isku raaceen in waxqabadka qurbajoogta DDSI uu yahay waxqabadkii ugu sareeyay uguna  wanaagsanaa dalka oo dhan islamarkaana uu yahay arin ku dayasha mudan.

Kadib qiimayn mudo todobada ah uga socotay xafiistada Qurba joogta ee dawlad deegaanada iyo waliilada wasaaradaha ee heer federal magaalada Assosa ee caasimada binishangul gumuz, ayaa masuuliiyintani ku tageen booqasho Qorshaysnayd mashruuca biyo xidheenka Dibucurashada itoobiya.

Waxaana sharaxaad dheer masuuliyiintan booqashada ku tagtay  ka siiyay Eng Mesfin oo ah injineerada dadaalka badan kawadan dhamaystirka mashruucan. inkabadan 9000 kun oo shaqaale kaladuwan ah ayaa kashaqeeya iyo in kabadan 1000 meshinariska waawayn.

Hadaba masuuliinta booqday waxay balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay uhayaan mashruucan. Dhankiisa waxaa isna fursadan uga faa iidaysanaya Mudane Cabdi Bari Macalin Maxamad oo si mug leh uga warbixiyay in ay sii wadayaan deeqaha taageerada ah, ee ay qurba joogta u dhalatay DDSI ku deeqi jireen  mashruuca sida iibsiga Bondiga iyo deeqaha kala duwan.

Isku soo wada duub oo wakaalada qurba joogta DDSI ayaa muujisay taniyo intii la aas aasay dadaalo aad u farabadan taasi oo keentay in ay qurba joogta u dhalatay deegaanku noqdaan kuwa deeqaha ugu badan ku bixiyay mashruucan ABAY.